Xul iyo xigmada kooban oo ku saabsan bulshada W/Q: Abdirashiid Aw muuse Aadan (qaybtii 4 aad)

  1. Isu arag markasta wanaaga iyo horumarka loo baahnyay ee bulsho in ay taadi ka dhimantay ,ha isu arkin se dib udhaca iyo xumaanta bulsho inay taadi kamaqantahay.!
  2. Binu-aadam oo dhan kanax masiibada iyo waxyeelada gaadha ,laakiinse binu-aadam oo dhan ha kufarxin hadafka ay gaadhaan.
  3.  Mar kasta oo uu tuugu wax xado ogow inuu damiirkiisii wax wayn kaxaday.
  4. Mar walba inaad qososho ma fiicna laakiin marwalba inaad faraxsanaataa waa mid kuu wanaagsan.
  5. Waxaad doonayso oodhan ma wadaheli kartid laakiin waxaad diidayso oo dhan waad katagi kartaa.
  6. Cadawga aad  garanayso iska ilaalintiisa aad iska ilaaliso isna badhbuu kunleeyay.
  7. Damqashada aad naftaada udamqato waxaa ka xeel dheer inaad umada kale udamqato.
  8. Dharaga caafimaadka leh waa dhaga aanay calooshu kaa joojin ee Maskaxdaadu kaa joojiso.
  9. Wanaaga iyo ixsaanka aad dadka gaadhiisaynso waxaad ka horaysiisaa Inaanay dhibtaadu gaadhin.
  10. Uducee qofka dhintay , in kabadan intaad xidhiidhin jirtay markuu noolaa.
  11. Mansabka ugu sareeya ee ay haweenku gaadhaan waa hooyo.
  12. Kala waynaanta da’da waxaa ka mihiimsan kala waynaanta Caqliga iyo cilmiga .      lasoco……   

W/Q: Abdirashiid Aw muuse Aadan  rashaad055@hotmail.com (063-4475540)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker