Xil Qabte kastaa Dhac Hadoodilan ayuu u yahay Awdal iyo Gobolada dalka Hargaisa iyo dadkeedana 85% Dan iyo munaaficaad ayuu u xisaabsanyahay !! Dr.Khadar-Libaaxley.

Nidaam siyaasadeedka Somaliland ku dhisantahay ee Xaruntiisu tahay Hargaisa waxa uu ka ganacsadaa ( Xoogga, Xoolaha iyo Xil-kasnimada Labeenta iyo Hal-doorka Gobolada) balse Gobolada iyo dadkoodu iskuma haystaan in ay koriyaan dhaqaale ahaan iyo camiraad ba Hargaisa iyo Dadkeeda, Dadka Goboladu kaliya waxa ay ku faraxsanyihiin in ay Hargaisa yimaadaan ama u soo guuraan si xisaab iyo qiimo la’aan ah.
Xil-Qabte kasta oo Awdal iyo Gobolada kale ee dalka ka mid ah waxa ay Midhaha , Manfaca iyo Maalkaba u hooriyaan 85% waa Hargaisa , halka Gobalada iyo dadka ay siyaasada ku matalaan ( Manfac iyo Midhaba waxa soo gaadha Awdal iyo Goboladaba hambada Hargaisa ka soo hadha oo hab hiif ah iyo waliba sidaa in ay wax weyn tareen/ qabteen ay isku arkaan mid Gobolkiis , ha ugu ayaan daraadeen kuwa Awdal e’ )
Hargaisa ayey dan iyo munaaficaad u yihiin 85% macnaheedu =

1.) waxa ay tahay Masuul kasta oo la magacaabo mushaarkiisa iyo lacag kasta oo si toosa iyo si dadban u soo gasha waxa uu ku cunaa 85% in ka badan Hargaisa marka lagu daro inta uu shaxaad u bixinaayo iyo inta martiqaadaayo ; waxa suuragal ah 10% in ka yar oo lacagtaasi ah in ay soo gaadho Awdal iyo waliba Gobolada kale habka ay ku soo gaadheysaana waliba yahay shaxaad iyo kalifaad odayo oo intuba Hiif iyo fara-saydh-saydh kaga soo baxda , halka 5% suuragal ay tahay saaxiibo gobolada kale ah in uu ku marti-qaado taasina wax saxa ay tahay balse sawirka guud mudane akhriste Miyuu matalaa dadkii iyo gobolkii uu ka soo jeeday ? malahayga waxa aan u arkaa dhac hadoodilan dadkuna dareen la’aan ugu faraxsanyihiin ayaan u arkaa.
2.) Mashaariic kasta iyo fursadaha yaala xafiisyada wasiirada Hargaisa jooga waxa 85% xaabsada dadweynaha reer Hargaisa, ha ugu sii darnaadeen wasiirada Awdal ka soo jeeda , waayo mid kasta oo la magacaabo waxa uu shaqaale fiican oo fariida u yahay Reer Hargaisa iyo had-ba madaxweynaha xilka haya gobolkiisa sababtuna waxa ay tahay kuwa reer awdal waxa ay dareemayaan in aaney gurigoodii joogin , habrasho ka dhalatay joogid la’aanta gobolkiisii darteed ayey ku bartaan iyaga oo ku faraxsan fursadaha markaa xafiiskooda yaala dadweynaha Hargaisa ee ishooda fahmay , masuuliyiin Awdal dadka Awdal Xilka ku hella marka qof reer awdal ah albaabka uga soo gallo hoos ayey u yara naxaan, iyaga oo ka baqaya in la yidhaahdo ( meeshiiba waxa uu ka dhigay meel Gadabuursi ) muraad ay wadaataan dadkaa uu matalayaa waxa u hirgala 10% waliba ma’aha marwalba , ma jeclaystaan in xafiisyadooda uu cabaar la fadhi is yidhaad-ho qof ay isku gobol yihiin xataa wax muhiim ah hakala hadlayaba e’ , hadii qof reer Hargaisa iyo Gobolada Bari ah ugu soo galaan xafiisyada aad bay u niyada iyo oogadaba uga farxaan muraadkasta wey u fuliyaan 95% oo karaan kooda ah !! mudane akhrista markuu xaalku kaa yahay miyaaney aheyn dhac hadoodilan oo sidiisa u yaala ? ma kuu muuqataa in isbedal lagu maareeyo habkan nolosha siyaasadu u socoto oo loo baahanyahay ?.

Ayaan Darada ugu weyni waxa ay tahay iyadoo Hargaisa ay Xaalufisay ( Xoogga, Xoolaha iyo Xil-kasnimada Labeenta iyo Hal-doorka Gobolada) in ay Handana Qaadato ( Tirada Xillalkii ugu Badnaa ee Dalka !! Halkii ay aheyd in Hargaisa oo dareemaysa sida Dadweynihii Goboladu u gobeeyeen iyada oo khajilsan oo farxad iyo mahadnaq uurka ah Hoosta ka eegaysa gobolada in ay tidhaahdo Hadaan Hargaisa ahey Goboladow idinkaa iga mudan e qaata tirada ugu badan ee kuraasta ah , hadey wasiiro tahay iyo hadey xildhibaano tahay waayo??? Dhamaantood calloosha Hargaisa ayey Marti u yihiin iyada ayey Dad ku qabta oo munaafacaadsata.

Gabo-Gabo iyo Gunaanad:
Sida nolosha siyaada ee dalku u socotaa kaliya waa hab-siyaasadeed faa’iidadeedu hal dhinacle tahay, Hargaisa iyo shacabkeeda ayuun bay dan u tahay , Goboladana Been, Hafar iyo Dhac-hadoodilan ayey ku tahay, mana haboona in ay siisocoto siyaasada noocan u jilmaysaa waa in Dastuurka la furo, AWDAL waxa ay u baahantahay Dawdal Goboleed 70% talladeeda iyo maamulkeeda maasha iyo malafsata , Hargaisana 30% laga maamulo , Gobolada kale iyagaa u madax banaan rabitaankooda.
Mudanayaal manecbi Hargaisa iyo dadkeeda balse nasteed iyo samadoon ayaan u ahey dhamaan dadweynaha jamhuuriyada Somaliland.

 

 

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts
Ahna isbedel Doonka Siyaasada Dalka

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker