Waa Kuma Bilyaneerka Deegaamada Soomaalida?!.

Bini Aadamka Qofba Meel Ayuu Allaah(Swt) Maal Qabeen Uga Dhigay, Qof Wuxuu Maal Qabeen Ku Yahay Diinta Islaamka Ku Dhaqankeeda, Faafinteeda, Qof Wuxuu Maal Qabeen Ku Yahay Ubad Badan, Qof Wuxuu Maal Qabeen Ku Yahay Caafimaad Iyo Cimri Barako Leh, Qof Wuxuu Maal Qabeen Ku Yahay Shaqo Aanu Weligii Waayin, Qof Wuxuu Maal Qabeen Ku Yahay Inuu Yahay Qalbi Wanaagsan Oo Maintuu Wax Helo Iyo Maalintuu Wax Waayo iimaankiisu Aanu Is Bedelayn, Wejigiisana Aan Laga Dareemayn Murugo, Tiiraanyo, Welwel Iyo Walbahaar.
Isku Soo Wada Duuboo Maal Qabeenku Waa
Hibo Allaah(Swt) Bixiyo.
Maal Qabeenka Maalkuna Waa Hibo
Allaah(Swt) Bixiyo, Waxayna Ku Timaadaa Xalaal Miirad, Tacab, Dadaal Iyo Talo Saarasho Allaah(Swt), Maalqabeenkuna Haddii Aanu Iska ILaalin Xakha Iyo Xuquuqda Ay Shaqaalihiisu Ku Leeyihiin, Oo Uu Noqdo Maalqabeen Ku Tunta Shaqaalaha Oo Soo Kala Dhowaysta, Mushaharkana Aanay U Sinayn Shaqaalaha Mushahar Kordhinta Sanadkasta La Sameeyo, Allaah(Swt) Wuxuu Ka Qaadaa Maalqabeenkaas Barakada Maalkiisa, Oo Wuxuu Noqdaa Maalqabeen Ay Ku Dhacdo Cuqubada Shaqaalihiisa Uu Soo Kala Dhowaysanayo, Waxaanu Noloshiisa Ku Dhamaystaa Xanuuno, Daal, Cabsi, Werwer, Baqdin, Wuxuuna Noqdaa Maalqabeen Sanadba Sanadka Ka Dambeeya Maalkiisa La Dhaco, Maraakiib Ganacsi U Sida Oo Badwaynta Ku Dega.
Maalqabeenka Nadiifta Ahi Waa Maalqabeenka Aan Soo Kala Dhowaysan Shaqaalihiisa, Balse Uu Ku Soo Kala Dhowaysto Dhinaca Cibaadada, Amaanada, Daacada, Dabeecadda, Furfurnaanta, Shaqo Wanaaga, Maalqabeena Nadiifta Ahi Aad Iyo Aad Ayey Ugu Yar Yihiin Deegaamada Soomaalida Sida Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Soomaaliya, Kililka Shanaad, Soomaalida Waqooyi Bari Kenya.
Deegaamada Soomaalida Maalqabeenka  Koowaad Ee Loo Shaqayn Karaa Waa Maalqabeenka La Yidhaahdo Muxammad Saciid Ducaale(Dahabshiil) Oo Daraasad La Sameeyey Lagu Iclaamiyay Inuu Yahay Maalqabeenka Deegaamada Soomaalida.
Dahabshiil Wuxuu Ka Dhaqaale Batay Maalqabeeno Badan Oo  Maalqabeeno Ahaa 1960 ILaa 2019, Oo Maalqabeenadaasi
 Badankoodii Ay Geeriyoodeen, Qaarkoodna Ay Maalkoodii Uu Shaqeeyo, Qaarkoodna Aanay Calfan Ubad Wanaagsan Oo Maalka Sii Dhaqa.
Xabsiyadda Itoobiya Sida Loo Galaa Way Fududahay, Sida Looga Baxaana Way Adag Tahay, Companiga Dahabshiil Sida Shaqo Looga Helaa Way Adag Tahay, Haddii Shaqo Laga Helana Sida Looga Baxaa Way Adag Tahay, Maalqabeenka Bilyaneerka Ah Ee Dahabshiil Deegaamada Soomaalida Iyo
Xarumaha Wadamadda Kale Ee Caalamka Qof Nasiib Wanaagsan Leh Ayaa Hela, Qofka Galaana Wuxuu Noqdaa Qof Mustaqbal Wanaagsan Leh, Waxaana Lagu Soo Dhoweeyaa Talooyin Wanaagsan Oo Lagu Gubaabinayo Inuu Baloodh Ama Jago Soo Baayacdo, Si Jagada Loogu iibiyo, Dhismo Wanaagsana Loogu Dhiso, Guri Qurux Badan Oo Shan Qol Ah Oo Darbigii Ku Wareegsan Yahay, Guriga La Amaahiyay Bilkasta Lacag Ayaa Laga Jarayaa, Shaqaalaha Badankooduna Waxay Ku Wada Jiraan Hagbad Qofkastaaba Ugu Yaraan 200 Dollar Dhiganayo, Toban Qof Markaad Tihiin Bishii Waxaad Qaadanaysaa 2000 Dollar, Laba Kun Oo Dollar.
Bilyaneer Inuu Noqdo Dahabshiil Waxaa Halkaas Gaadhsiiyey Markuu Ka Soo Baxay Xuquuqda Shaqaalihiisa, Iyo Nolosha Wanaagsan Ee Ay Ku Nool Yihiin, Shacabwaynuhu Markay Arkaan Shaqaalaha Dahabshiil Group Company Nimcada Iyo Barwaaqada Ka Muuqata, Shacabwaynuhu Waxay U Duceeyaan Maalqabeenka,  Allaah(Swt) Qof Wanaagsan Oo Xalaal Miirada, Oo Shaqaalihiisa U Wanaagsan Oo
Muslimiintu U Ducaynayso Wuxuu U Barakeeyaa Cimrigiisa, Maalkiisa, Ubadkiisa Iyo Xaasaskiisa.
Insha Allaah Maalqabeen Xaaji Muxammad Saciid Ducaale(Dahabshiil) Labaatanka Sano Ee Soo Socda Wuxuu Noqonayaa Bilyaneerka Koowaad Ee Qaaradda Afrika.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker