Waa maxay sababta ay u Xayirnayd Dekeda Magaalada Muqdisho 3__ cisho?

 

 

 

Muqdisho (ODW) –Shaqada Dekadda Muqdisho oo ah Isha ay Dowladda Soomaaliya ka hesho lacagaha ugu badan ayaa xayirneyd  muddo Seddex Maalin ah.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay Shaqada Dekadda Muqdisho ayaa u xayiraneyd  Kooxda Al-Shabaab kadib markii ay Ganacstada Maraakiibta soo dajisato u sheegtay inay ka rabto Canshuur la mid ah Midda ay Dowladda Soomaaliya siiyaan.

Al-Shabaab oo isugu yeertay Ganacsatada Dekadda Muqdisho wax kala soo dago ayaa  u sheegtay inaysan sii socon karin inay Dowladda Soomaaliya kaligeed Canshuur ka qaadato Dekadda Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa ganacsatada ku amartay inaan Alaab laga dajin karin Markab aan Canshuur la mid ah midda Dowladda laga siinin kooxdaan dagaalka kula jirto Dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Kooxdaan ayaa ganacsatada ugu hanjabtay in tallaabo laga qaadi doono haddii ay alaab kasoo dajiyaan Markab aan lacag laga siin.

Amarkaas ayaa keenay inaysan Dekadda Muqdisho shaqeyn Seddexdii Maalin ee ugu dambeysay, waxaana la arkayey Maraakiibta oo Dekadda iska taagan isla markaasna aan wax alaab ah laga dajineyn.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey, Shaqadda Dekadda ayaa Maanta dib u bilaabatay kadib heshiis dhex maray ganacsatada iyo AL-Shabaab inkastoo Shalay Hal Markab la dajiyey.

Markii ugu horeysay Shalay ayey shirkad kamid ah kuwa Dekadda Muqdisho wax kasoo dajisto bilowday inay Maraakiibteeda alaabta ka dajiso kadib markii la sheegay inay wada hadleyn Kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Saakay dhammaan ganacstada ayaa si wadajir ah u bilaabay inay dajistaan alaabtooda mudada seddexda maalin ka xayirneyd.

Sida ay illo xog-ogaal ah u sheegeyn Caasimadda Online, Ganacstada iyo Al-Shabaab ayaa ku wada heshiiyey in Canshuur laga siiyo Maraakiibta kasoo dagto Dekadda Muqdisho inkastoo aan la ogeyn inay ganacstada bixinayaan in la mid ah inta ay Dowladda Soomaaliya siiyaan.

Dekadda Muqdisho ayaa ah isha koowaad oo ay Dowladda Soomaaliya ka hesho lacagaha ugu badan iyadoo bil kasta ay kasoo xarooto lacag Malaayiin Dollar ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awal lacago ka qaadi jirtay Shirkaddaha waaweyn ee ganacsiga balse waa markii ugu horeysay oo ay dalbato in Canshuur laga siiyo Dekadda Muqdisho taasoo muujineyso tabardarada Dowladda dalka ka jirto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker