Jaalle Muse Biixi Cabdi OO Wiish Hoos Istaagay Isagoo Isleh Barejee Jaalle Deniga Puntland !

Anakoo maqaal ay qortay The Sunday  telegraph oo beenta Heego  ka hadlaya oo fashiliyey lacag  canshuurta dadka Ingriiska ah oo lagu cabudhiyo Danyarta Somaliland tasoo la siiyo Raga Reeraha U Dhaca ( RRU )……. Ayaanu aragnay Duqii Jaalle Cali Gurey  ahaa oo ka cabanaya been hirgashay oo la yidhaah SAFIIRKA SOMALILAND IYO SOMALIYA U FADHIYA DAWLAD HEBLAAYO , safiir la yidhaah “ Somaliland iyo Somaliya “ ma jiro waa Buzzword marin habaabin ah waa iska basaboortkii Imaraadku ictiraafay ee Somaliland waxa iyana la mid safiirka Somaliland u fadhiya dal hebel Muwaadin dal aan la ictraafin oo safiir lihi ma jiro..

Halkaa markaanu soo dhaafnay ayaanu isla maqaal kale akhrinay oo uu Jaalle Jaamac Falaag  af- Ingriisi ku qoray  isagoo ka yaabay wararka ka soo baxa labada oday ee bangiga dhexe  haysta ka akhri maqaalka Oodweynenews halkaa u dhaafi  mayno labada oday lakiin xaraf kasta oo maqaalka ku yaal waa run in badana waliba wuu ka gaabsaday qoraagu …..

Ta  layaabka lahayd waa markaanu la kulanay Oday dhaqameed reer galbeed ah oo YouTube ka hadlaya oo leh waa in lakala diraa Goloyaasha Degaanka yaa maxay hada ? oo yaa idiin xidhay koodhkaa wayn iyo surwaalkiisa waar suun xidha surwaalkaasi waa idinka wayn yahaye yanuu dhicinee………….. Wa’ayo cida u diratay cuqaashan xeer dejinta dalka ?! ……Markaa odayaashu musuqmaasuq bay ka hadlayaan iyakoo diidan inay sheegaan Mayors-ka uu MusuqMaasuqu Aabo iyo Hooyo yidhi oo ah isla ardagooda waa sedexda wiil ee dhexda ka dhaaxay  Maansha’a Allah Mayor Ina cidin , Mayor Solteco iyo Mayor “ Gabiley baby ”  magaciisa garan mayno muhiimna maha inaanu raadino bal ordoo SOOL baa wax lagu cunaa dhaha guri madhan bay dhex fadhiyaan guri madhana malukul mawdku muxuu ka qaadi …. ……Muwaadin ogow xeerka hor yaal Barlamaanka Somaliland ee Golayaasha Degaanku waa baadil waa khalad waa boob awood dawladeed oon loomeel dayin inmada yar yare e HEEGO ee Madaxtooyada ku jira ayaa doonaya inay iyagu magacabaan goloyaasha degaanka kadibna hal beel ka dhigaan meel kasta sidaa xukuumada habawday ee Korneylka habawsan ee Jaalle Muuse Biixi Cabdi .

Dadka loo jeeda waa Mayor Ina Muraad iyo Team-kiisa  , Mayor Ismaciil xaaji Nuur iyo Team-kiisa , kuwa la midka  iyo Hargeysa oo la doonayo in heel beel golaha degaanka la fadhiisiyo ………… su’aashu waxay tahay waar xildhibaan adigaa golohaha shacabka fadhiya shan iyo toban sanadood oo toban sanno mudo dhaafay ee kuwan bisha mudo dhaafay maxaa ku sudhay haday daacad idinka tahay xildhibaan Balaakiyow idinku is fanisha oo iscasila oo ka hor dhaqaaqa dadka …

Intaa markaanu soo dhaafnay ayaanu la kulanay Jaalle Muuse Biixi Cabdi oo wiish ka hoos khudbadeynaya oo leh bal eega wiishka DP WORLD inoo keentay hada waa madaxweynihii dhamaa waxa daba ordaya Gudoomiye Baashe Maxamed Case oo markii hore darwiish u dhashay lakiin iminka BahGobe sheegta nuseriga yari labadaa nin e isku seediga ihi waxay islahyeen itaalka barajeeya Madaxweynaha Puntland oo uu qaabilaya horjoogaha DP WORLD Jaalle Suldaan Axmed kazoo ka gaws adaygay inuu qaabilo Jaalle Muuse Biixi Cabdi socdaalkii ugu dambeeyey waayo shaxaad umuu hayn waanu ogaa inay lacag doon yihiin  waa arrinta sahayatay wiilkii ay xaaska duqa Jaalle Muuse Biixi Cabdi ihi eedada u tahay ee safiirka Imaraadka sheegan jiray…

Markasoo kale lama barejeeyo Puntland waa la dafiraa waa la ignore gareyaa inay meesha tageen ba wax lagama soo qaado hadii kale dee maqas la carara adiga iyo Jaalle Baashe Maxamed  Faarax  oo laba clown u eekada anana aanu idiin qaadno WIISH BAA LA SARA KACAY !

Jaalle Muuse Biixi Cabdow  waxaad bareejayn Kartaa  Jaalle Deniga Puntland markaad ka dhigtid in Container-ka lagaga soo saaro  Dekkeda Berbera $ 1600 ilaa $1800  oo Dollar …….

Container lacgta lagaga soo saaro Dekkedaha Geeska ….

Djibouti ……………………………………….. $ 2.500

Mogadishu……………………………………..$ 1.600

Bosaaso………………………………………… $ 1.700

Mombasa………………………………………. $ 2.000

Berbera ………………………………………….$ 4.500

Markaasay Wiish ka hoos khudbadeynayaan ooy leeyihiin sicir bararka laba oday oo guri madhan hoos fadhiya oo lagu sheego Bangiga dhexe ayaa hoos u dhigaya XUKUUMADA BEEN QUUDATA AH EE JAALLE MUUSE BIIXI CABDI IYADUU SICIR BARARKU HOOYO IYO AABO YIDHI EE MAGAC HA U BIXISO HADANAAN IS LAHAYN QOLAA XANAAQEYSA WAXAAN ODHAN LAHAA “ SICIR BARARKA SACAD MUUSE “

 

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker