” Haddii Aan Dalka Laydh Jabani Jirin, Warshaduhu Ma Suurtagalayaan”: Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland

 

 

 

Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe

Hargeysa (OWN)-Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe Somaliland Axmed Xasan Carwo, ayaa ka hadlay Warshada sifaynaysa shidaalka caydhin, waxaanu tilmaamay in Warshado kale ay daba socdaan, waxaanu tilmaamay hadafkooda iyo qorshahoodu yahay sidii dalka loo keeni lahaa shidaal qaydhin, marka la sifeeyana kadib in Wadamada jaarka loo iib geeyo.

Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe Somaliland Axmed Xasan Carwo, ayaa sidoo kale ka hadlay 400 oo shaqaale ah oo loo tababarayo Warshadan, oo dalka China ku maqnaan doona muddo sannad iyo badh ah, waxaanu yidhi

 

“Mashruucani waa mashruuc weyn oo aad odhan karto waa mid ka mid ah Mashaariicaha waaweyn ee ina soo mara, waana Warshadii  saddexaad ee Afrika ugu weyn, sida aan filayaana Geeska Afrikana kuma taalo, waxyaabaha inooga soo baxaya ee aanu aad iyo aadka ugu mabsuudnay waxaa ka mid ah shaqo gelinta, Dhalinyarada ee shaqo Qaran,oo aan Madaxweynaha ugu hambalyeynayo,

 

Madaxweynaha oo yidhi shaqaalaha aad qaadanaysaan waa inay noqdaan Shaqaalaha la soo tijaabiyey ee sida xaqa ah u tartamay, op mar labaadna inay tartan galaan, oo 400 oo shaqaale ah oo loo soo tababaro, oo sannad iyo badh ku maqnaan doona Chine, lix bilood iyo badh Jaamacad bay gali doonaan lix biloodna waxay ka shaqeeyan doonaan Warshad ku taala Chine, oo tan oo kale ah,

 

waxa damba socda oo iyana insha allaah inoo iman doona Warshado kale oo aynu kaga maarano alaabo badan oo dibadda inooga yimaada, sida Caagaga, Daamurka, iyo Quraaradaha Biyaha lagu shubto iyo wixii la midka ahba,waxaynu rabnaa  inaynu ka kaaftoono wax badan oo dibadda inooga yimaada,  waxaas oo dhan oo Warshado ah oo is daba socda ayaa Warshadani dhashaa, waxa kale oo iyana daba socota Warshad kale oo inoo keenta Laydh jaban, kaas oo wada hadalo kula jira Shirkadaha waaweyn, sida Sompower iyo Telesom, oo aan filayo inay is fahmi doonaan, oo wali sheekadu u socoto, labadan mashruucna waa laba mashruuc oo aad u waaweyn, oo dalku u baahan yahay, waayo haddii aan dalka laydh jabini jrin, Warshaduhu ma suurtagalayaan”.

 

 

Agaasimaha Baanka dhexe ayaa sidoo kale ka hadlay Dekadda Berbera oo uu sheegay inuu booqasho ku tagay, waxaanu tilmaamay in Free-zonka Berbera oo Madaxweynaha horyaala in ilaa hadda ay soo dalbadeen ilaa 400 oo Shirkadood, oo ah ka mid ah Shirkaddaha Caalamiga ah, waxaa kale oo uu xusay maalgashiga iyo mashaaricaha horumarineed ee dalku uu qayb ka yahay shaqo abuurka dadka iyo horumarka dalkaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker