Diyaarad ku burburtay garoonka ugu halis badan adduunka

Saddex ruux ayaa ku dhimatay diyaarad ku burburtay dalka Nepal, waxaana loo arkaa in garoonka uu shilkaasi ka dhacay uu ka mid yahay garoomada diyaaradaha ee ugu halis badan adduunka oo dhan.

Diyaaradda ayaa ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Lukla Airport waxayna ku dhacday diyaarad kale.

Dhabaha ay diyaaraduhu ku ordan ayaa yar waxaana ku hareeraysan buuro, taas ayaana adkaysa in diyaaraduhu dagaan ama duulaan.

Duuliyihii diyaaradda iyo labo askari oo booliis ah oo waddada diyaaradda ka ag dhawaa ayaa geeriyooday, saddex ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray.

Labada diyaaradoodba waxaa lahaa shirkado gobolka Everest geeya dadka buuraha kora, dalxiiseyaasha iyo dadka deegaanka.

Ma cadda waxa sababay shilka Sabtidii, masuuliyiintuna waxay sheegeen in cimiladu ay wanaagsanayd duulimaadyaduna ay sidii caadiga ahaa u sii socdeen shilka ka dib.

Bikram Raj Bhandari oo goob jooge ahaa ayaa BBC-da ku yiri “qarax ayaa meel iga durugsan ka maqlay, dhanka garoonka ayaana u cararay si aan u arko waxa dhacay, qiiq ayaana aagii oo dhan qabsaday.”

Garoonka ugu halis badan adduunka?

Garoonka diyaaradaha ee Lukla Airport ayaa joogga badda ka sarreeya 2,845 oo mitir.

Sannadkii 2008, 18 ruux oo 12 ka mid ah ay Jarmal yihiin ayaa dhintay markii diyaaradoodii damacday in ay ku dagto garoonkaas. Shil noocaas oo kale ah oo dhacay labo sano ka horna waxaa ku dhintay labo darawal.

Mid ka mid ah wadooyinka ay diyaaraduhu ku ordaan ayaa buurta qarkeeda u jira 700 oo mitir, garoonka ayaana badanaa albaabada loo laabaa maadaama oo ay dabaylo xoog badan iyo daruuro culus ku habsadaan.

Duuliyeyaasha khibradda u leh oo kali ah ayaa loo ogol yahay in ay ku dagaan garoonka Lukla.

Duuliyeyaasha ayaa lagu xujeeyaa in ay ugu yaraan 100 jeer diyaarado duuliyeen ama dajiyeen iyaga oo adeegsanaya garoomo waddooyinka ay diyaaraduhu ku ordaan ay gaagaaban yihiin, xaaladdaasna ay kaga shaqeeyeen Nepal ugu yaraan hal sano.

Maadaama oo dalxiisayaasha buurta Himalayas ay aad u bateen waxaa kordhay duulimaadyada diyaaradaha.

Si kastaba ha ahaatee Nepal ayaa lagu yaqaannaa badqab xumida duulimaadyada. Bishii Feebaraayana toddobo ruux ayaa ku dhimatay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah, rakaabkana waxaa ka mid ahaa wasiirkii dhaqanka, dalxiiska iyo duulimaadyada rayidka Rabindra Adhikari.

Midawga Yurub ayaa hawadiisa ka mamnuucay dhammaan diyaaradaha Nepal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker