Aas aasihii Weaki Leaks mr Assange oo safaaraddii Ecuador ee martigalisay u badalay “xarun basaas”

 

 

 

 

Julian Assange ayaa safaaradda Ecuadorian ee magaalada London ka dhigtay “xarun basaas”, sida uu sheegay hoggaamiyaha dalkaas.

Madaxweyne Lenin Moreno ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin dal kale oo gacan ka gaystay go’aanka uu dalkiisu magangalyada ugala laabtay ninka aasaasay barta siraha soo qufta ee WikiLeaks, wuxuuna intaas ku daray in dalkiisu uu go’aanka u qaatay meel kadhaca uusameeyay Assange.

Isaga oo la hadlaya wargeyska Guardian ayuu madaxweyne Moreno sheegtay in xukuumaddii isaga ka horraysay ee Ecuador ay qayb ka mid ah dhismaha safaaradda bixisay iyadoo gacan ka gaysatay in dalal kale “lagu farogaliyo.”

Qareenka Assange ayaa mar hore sheegtay “in eedaymaha Ecuador ay yihiin kuwo laga caroodo”.

Madaxweyne Moreno oo awoodda la wareegay sannadkii 2017kii ayaa yiri “ficil kaste oo burburin ah sharci darro ayuu ka yahay Ecuador, sababtuna ay tahay in dalkiisu uu yahay mid madax bannaan oo ixtiraamaha siyaasadaha dalalka kale.”

Wuxuu intaas ku sii daray “Guriganaga uma ogolaan karno in uu noqdo guri albaabada balaqaya si uu u noqdo xarurun basaas.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo xigtay nadaafad xumidii uu horay wasiirka arrimaha gudaha Maria Paula Romo ugu eedeeyay Assange.

Qareenka Assange Jennifer Robinson ayaase sheegashadaas muran ka keentay Axaddii.

“Waxay ila tahay waxa u horreeya ee in laga hadlo ay tahay waa eedaymaha laga caroodo ee Ecuador ay soo jeedinaysay maalmihii ugu dambeeyay, iyada oo isku dayaysa in ay u qiil bixiso tallaabada sharcidarrada ah ee aan caadiga ahayn ee ay ku ogolaatay in booliiska Britain uu gudaha u galo safaaradda gudaheeda,” ayay tiri Jennifer.

Waxay intaas ku sii dartay in ay caddaatay cabsidii laga qabay masaafurinta Maraykanka todobaadkan, ka dib markii lagu eedeeyay in uu gacan ka gaystay isku day lagu doonayo in loogu dhaco siraha xasaasiga ah ee ku jira kombiyuutarrada wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Maraykanka.

Assange oo 47 jir ah ayaa wajahaya 12 bilood oo xabsi ah waxaana lagu helay in uu jabiyay damiinkii lagu sii daayay ka dib markii uu galay safaaradda Ecuador sannadkii 2012.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker