Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arimaha Dastuurka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Gudida Shuruucda Ee Golaha Guurtida

 

 

 

 

wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arimaha Dastuurka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Gudida Shuruucda Ee Golaha Guurtida+Sawiro

Hargaysa(OWN) Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aden Cilmi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti culus oo uu hogaaminayo guddoomiyaha gudida Arimaha Shuruucda Ee Golaha Guurtidda Somaliland.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa wasiirku waxa uu xildhibaanadda siiyay xog faah-faahsan oo ku saabsan wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arimaha dastuurka,waaxa ay u qaybsan tahay iyo qorshayaasha ay u dajiyeen si waax waliba wixii loo igmadday uga soo dhalaasho.

Wasiirka ayaa dhinaca kale waxa uu gudida faah-faahin ka siiyay safaro badan oo dalka gudihiisa iyo dibadiisa uu ugu baxay kuwaas oo salkoodu ahaa arimo ku saabsan qadiyadda madax banaanida somaliland oo ku soo bandhigay fagaarayaal badan oo caalamka ah.

Gudida ayaa dhinaca kale waxa ay wasiirka ka xog waraysteen qaabka ay bulshadda somaliland ku gaadhsiiyaan barashadda dastuurka iyo kulamo bilihii ugu dambeeyay ay wadeen oo lagu soo bandhigay sida shacabka lagu bari karo dastuurka kaasi oon awal hore jirin balse imika wasiirkani uu dhexda u xidhay.

Gudida Shuruucda ee golaha guurtida ayaa la dhacay warbixinta waafiga ah ee ay ka heleen wasiirka waxaana ay si niyad sami ah ugu mahad celiyeen qaabka uu hawlaha u wado iyaga oo ku amaanay dardarta uu ku jiro ee wakhti kastaba leh.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker