Maxaa Ka Jira In Diyaarado Duqeeyay Banka Qool-caday oo ka tirsan degamada Sallaxlay ?

Wararka laga helaayo Degmada Salaxley, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay shalay banbooyin holcaya ku tuureen dad reer guuraa ah oo degen cidhifka banka qool-caday oo ka tirsan degamada salaxlay oo qiyaastii 50 km u jirta Hargeisa.

 

Gudoomiyaha Degmada Salaxlay Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) ayaa sheegay   in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayaa ay waxyaabo qarxa ku tuureen jees reer guuraa ah iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmada.

 

“Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yidhi Gudoomiye Shiine.

 

Gudoomiyaha degamada salaxlay waxaa uu sheegay inay goobtaasi ay tageen isla markaana ay soo arkeen hadhaaga hubkii ay diyaaraduhu tuureen iyo gubashada dhulkii ay ku habsadeen bambooyinku.

 

sidoo kale Xoolo dhaqato Geel ka waraabinayay ceelka Riigga ah banka qool caday ayaa u sheegay inay maqleen jug Culus, iyo uuro ka kacday goobta ay diyaaradahu beegsadeen, maadaama ceelka ay ka waraabinayeen xoolaha aanu ka fogayn meesha diyaaraduhu hubka ku tuureen,  lama oga dalka laga leeyahay leh diyaaradahaasi Militeri ee duqaynta gaystay, balse gudoomiyaha degmada salaxlay ayaa sheegay in marar hore diyaarado militeri ay joog hoose ku dulmareen degmada, balse ay tahay markii u horaysay ee Bambooyin Tuuraan, arrintaasi oo oo cabsi galisay dadwaynaha deegaanka.

 

 

Warkaas oo dhan halkan hoose kala soco.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker