Calmaaniyad; Xigashadii gogol dhaaftay! Q. 1aad

Colaadihii wakhtiga dheer ku darsaday gummaadkii tira-beelka ahaa ee diimaha iyo madaahibta ku salaysnaa iyo awooddii badnayd ee ay maroorsadeen wadaaddadii Kiristanku ayaa ahaa labadii qodob ee ugu shislaa ee gogosha u dhigay ardaagii ay Calmaaniyaddu ku dhalatay ee looga mushxaraday, oo ahaa Galbeedka qaaradda Yurub. Wadaaddadii Kiristaanka ee bisleeyey jawigii ay Calmaaniyaddu ku curatay waxa ay sheegteen in ay iyagu u dhexeeyaan dadka iyo Ilaahay, ciddii Ilaahay u baahanna aanu u furnayn dariiq kale oo aan ka ahayn in ay ay iyaga u sii dhex marto. Intaas kuma ay joogsan ee wadaaddadaasi waxa ay colaadiyeen cid wal oo la timaadda aragti ka duwan ta ay aaminsan yihiin, ama soo kordhisa aqoon ka duwan ta ay kitaabkooda ku haystaan, iyaga oo colaaddaas u adeegsanayey awoodda boqortooyooyinkii wakhtigaas jiray. Taasi waxa ay keentay in ay weerar ku qaadaan saynisyahanno badan oo wakhtigaas joogay, iyaga oo qaar badan dilay sida Giordano Bruno (1548 – 1600) oo Kinniisaddu u khaarajisay aragtidiisii wareegga dhulka iyo Micheal Serventu (1511 – 1553) oo isagana Kinniisaddu u khaarajisay aragtidiisii wareegga dhiigga, labadan saynisyahanba jidhkoodii waa la gubay. Kiniisaddu waxa ay saynisyahanno kale ay ku dirqiday inay aragtidooda ka tanaasulaan sida Galileo Galilei (1564 – 1642), halka ay qaar badan oo kale dalalkoodii ka caydhiyeen, qaarna ay xidheen. Intaas kuma ekaan wadaaddadii Kiniisaddu, waxa ay qaateen dhulal baaxad leh, waxa ay khalad iyo saxba kula safteen boqorradii talinayey wakhtigaas, meel walba oo ay faraha la galaanna waxa ay ku jaangooyeen danahoodii qofeed – xukunkii, aqoontii, arrimihii bulshada – iyaga oo wax walba hoostooda ku keenay magaca diinta. Awooddii badnayd ee ay maroorsadeen waddaadada Kinniisaddu iyaga oo huwan magaca diintu iyo cadaawaddii ay kala horyimaaddeen aqoonta iyo cid walba oo aaminta aragti ka duwan tooda oo aan diin ahayn amaba gefkooda aragtaa waxa ay ahayd sababihii ugu mudnaaa ee ay reer Yurub uga irdhoobeen Diinta Kiristanka. Erayga Calmaaniyad oo afka Ingiriisiga ku noqonaya “Secular”, markii koowaad waxa la maqlay wax yar uun ka dib dagaalkii soddonka sanno (1618 – 1648) ee qaaradda Yurub ku dhex maray labadii mad-hab ee Kaatoligga iyo Borotastanka oo ka wada tirsan isla Diinta Kiristanka. Dagaalkaas oo aan hubka wax gumaada lagu dagaallamayn hadddana waxa ku naf-baxay 8 milyan oo qof oo u dhigmaysay dadkii Yurub ku noolaa marka shan meelood loo qaybiyo meel ka mid ah. Dagaalkaas waxa dhex socotay macalluul baahsan iyo xanuunnada faafa sida daacuunka iwm. Daacuunkaas waxa u dhintay in ka badan 1 Milyan bulshadii wakhtigaas Taliyaaniga ku noolayd oo u dhigmaysay 25% tirada guud ee wakhtigaas Taliyaaniga ku noolaa. Dagaalladaas diimeed ee lagu hoogay iyo awoodd-maroorsigaas xad-dhaafka ah ee iyada oo dan qofeed loo adeegsanayo haddana diin loo cumaamaday, dad badanna lagu dulmay ayaa ahaa labadadii sababood ee ugu tunka weynaa ee reer Yurub ku khasbay inay diintooda shar u arkaan oo ay ka firxadaan, maganna u noqdaan Calmaaniyadda iyo diin la’aanta, iyaga oo ku guul-darraystay inay kala soocaan diinta qudheeda iyo qofafka dantooda shakhsiyeed u adeegsanaya, taasi oo ugu dambayntii keentay inay diintii iyo qofafkiiba mar ka wada yaacaan oo ay diin la’aan isku dhiibaan halkaasna uu Calmaaniyadda waa’ sani ugu beryo.

Diinta Kiristaanka iyo Saynisku waa ay iska horyimaaddeen, halka diinnta Islaamka iyo Sayniska intiisa xaqiiqada la taabtay ahi ay wada jaanqaadeen. Lama arag wadaaddada Muslimiinta oo inta ay meel isugu yimaaddeen isku raacay in ay iyagu dadka wakiil uga yihiin Ilaahay sida kuwaas Kiristaanku ay yeeleen. Xataa hadday sidan yeeli lahaayeen, inteenna in uun diinta Islaamka wax ka garanaysaa waa ay iska ogaan lahayd in wadaadda sidaas sameeya aanay sheegadashadoodu ehel u ahayn diinta Islaamka. Calmaaniyiinta seef-la-boodka ah ee Soomaalidu, waxa ay isku dayaan in ay waaqic aan ka jirin dhulka Islaamka si sandulle ah ugu ekaysiiyaan waaqicii reer Yurub ee ay Calmaaniyaddu ku dhalatay, si ay taas u gaadhaanna waxa ay buunbuuniyaan khaladka yar ee ay gasho cid wal oo khamiis cad xidhata, gadhweyn la baxda, midhadh kutub ahna meelahaas la xiinta wadaad iyo wadaad la’aanba, iyaga oo gefka uu qofkaasi sameeyey buuraha ka weyneeya illaa iyo ay qofka iyo diinta isku mid ka dhigaan, una ekaysiiya khaladka uu qofkaasi kalidii galay ee isaga u gaarka ah gef uu Islaamku galay. Ujeeddada kaliya ee ay tan ka leeyihiin waa in ay gacmahooda ku abuurtaan xaalad la mid ah tii ay Calmaaniyaddu ku dhalatay, si ay qiil indho-sarcaad ah ugu helaan Calmaaniyaddooda oo loogu xalaaleeyo ama ugu yaraan garawshiiyo ugu helaan.

Ummad aanu waaqiceeda ka jirin wax khasbaya in nidaam Calmaani ah loo guuro in haddana xigasho loogu keeno wax aanay dan iyo duruuf midina ku khasbayn, xigashadaasi waa mid gogol dhaafsan, kaliyana iska noqonaysa caaddifaddii si bilaa sabab ah wax la iska caashaqi jiray ama la iskaga nici jiray.

Qore: Maxamed Sharma’arke

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker