Xukuumadani Waxa Ay Awoodi Kari Weyday Qorshe Uga Meel Yaala In Dadweynuhu Kuwada Hadlo Laba Isgaadhsiinood Ee Telefoonadoodu Aaney Isgalin

In badan ayey Qorshayaal aaney Waxba ka Qaban karin ama kuwii ugu Fududaa oo aaney Awoodin haddana Waxa ay Xukuumadu been ka Sheegtay in ay Wax ka Qabatey Mawduucyo aaney Awoodi Kareyn oo Culays iyo Wakhti badan u baahan.

Waxa inta ugu badan jira in Dhamaan Dalka guud ahaanba aaney, jirin Biyo oo cabashada ugu badani Tahey biyo-La.aan ayaa hadana Xukuumadii Waxa ay si fudud u odhanaysaa Shidaal ayaanu Soo Saaraynaa, Miyaanay ka horeyn Shidaal lasio Saaro in Biyo loo Helo Waxaa umad qeylyaysa oo loo soo Saaro, Takalana iyadoo Dadkii u baahan yihiin Arabikhi,hadhuudh,digir,heed, iyo Qamadi midhihii Dalka ayay Xukuumadii odhanaysaa Waxaan Beeraynaa Bariis Waar bariiska miyaanay ka horeyn kuwan loo baahan yahey ee Sadex biloodka ku baxaya.

Waxa kale oo jira iyadoo Maalin Walba dhibaato kajirto, Dooxyada Waaweyn Marka Roobabku Da.aan oo Baabuurtii Qaadayo Daadadku ayaa iyadoo ay Dhib yar tahey in Buundooyin Kooban loo Sameeyo, Taasina ay ku adkaatey Xukuumadii Samaynta Buundooyin Waxa ay Xukuumadii odhanyasaa Waxaan Samaynayaa Biriishyo aanay awoodi karin maadaama oo ay kuwii ka fududaa qaban kari Weyday.

Tusaale ahaan Waxa jira Hadalhaynta Sanado badan oo Shacabka Somaliland ka fakirayeen Sidii ay u Suurtagali laheyd in Dadweynuhu kuwada Xidhiidhaan Isgaadhsiinta labada Shirkadood ee laga Isticmaalo Somaliland Telesom iyo Somtel habayaraatee, majirto In ay labadaa Shirkadood Dadku kuwada hadli karaan, oo laga Xidhiidhi karto isgaadhsiintooda Maxaa yeelay boqolkiiba Boqol ayaa la isticmaalaa Isgaadhsiinta Qoys kastaana haduu Toban qof ka Kooban Yahey, Dhamaantood Wey isticmaalaan kuwaas oo la qeybsada Qoyska Nolol Maalmeedkooda haddana Wali majirto habayaraatee Siyaasad Qorshaysan.oo Dhinaca Xukuumadan ah oo ku aadan Isgaadhsiinta Waxaanad Moodaa in Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Qaabilsan hawshani ay hood u Foorarto Sida Wasiirka Wasaaradaa loo Dhiibay oo aanad Moodin in uu Xogogaal ka Yahey Dadka Reer Somaliland dantooda iyo Waayahoodaba.

Gagabadii Waxa ay ila Tahey, in Fashilaadaha ugu Xumi ka joogaan Dhinaca qorshaha Siyaasadeed ee Xukuumadan Faanka badan iyo Durdurada markii hore kusoo gashey Shacabku ay Isgaadhsiinta ku Waajahdey haday tahey hadalka Telefoonka Zaadka iyo Waxyaabo badan, oo ay ilaa hada ku Fasgilqn Tahey.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker