Muuse Biixi Iyo Talada Dalka MUSUQA LOO BAAHANYAHAY (Qaybtii 67aad) Qore : Maxamed Xoosh

Sheekadan waxay ka dhacday Dawlad dunida sadexaad ka mid ah
Dhawr Madaxweyne xukunka dalkan u kala danbeeyay waxay si joogto uga caban jireen dakhliga wadanka oo yar iyo Wasaaradda Maaliyadda daacad ah oo aan hal-abuur lahayn , waxaa jiray nin xirfadle ah oo u Xidhnaa Musuq maaliyadeed uu sameeyay lagu xukumay xadhig uu ku mutaystay
Maqaal dheer oo uu qoray wuxuu ku tilmaamay qof ahaan inuu hayo XALKA iyo weliba kobac dhaqaale xukuumadu la daalantahay wuxuu kusii daray in mudo dhawr sano ah Miisaaniyadda dalka 10 jibaari doono Dayn badan ka bixin doono Lacag kayd ahna sameyn doono
Madaxweynihii la tashi badan ka dib ninkii wuu magacaabay Wasiirka Maaliyadda mudo yar ka dib ayuu dhawr kun oo shaqaale ah shaqo Qortay Musharaadkiina u kordhiyay sanadkii u horeeyay miisaaniyadii sadex laab ayay noqotay , Sanadkii shanaad wuxuu madaxweynuhu sheegay in uu ku nastay wasiirka maaliyadda
Waxa mudo xileedkiisii soo ifbaxay Musuqmaasaq loo tuhmaayo ISAGA Dadweynihii iyo Warbaahintuba waxay ku jireen olole lagu muujinaayo in wasiirku wax xaday iyo inuu Baanan Ajnabiyana lacago badan ku xawishay
Waxa cadayd in Wasiirku gacmaha kula jiro musuq maaliyadeed oo weliba si xarfad xarago ka muuqato u dhacay sidoo kale Asxaabta mucaaridka ah wey u muuqatay
Madaxweynaha waxa soo gaadhayay fariimo iyo ergooyin ka dhan ah Wasiirka Maaliyadda balse wuu iska dhego tiri jiray waayo wanaag badan iyo waxqabad uu ku faani karo ayuu ku qabay ninka wasiirka ah
Markii hadal haytii wasiirku aad u badatay ayuu Shirweyne ay fadhiyeen dhamaan madaxdii xukuumada iyo Xisbulxaakimka talada hayay madaxweyenihii ka dhex hadlay wuxuu yidhi “Waan ogahay in uu musuq ka jiro Wasaaradda balse wanaaga iyo waxqabadka wasiirka ayaa 10 jeer laab ka badan musuqa ka jira” wuxuu ku daray wasiiro badan oo aqoon iyo khibrad lagu tuhmaayay wey dhaqaajin kari waayeen wasaaradan WAXAA KHATAR KU JIRTAY INAY DUNTO DAWLADDA DHAN Wasiirku wuu mahadsan yahay talada Xisbigana isagaa ku haboon in loo dhiibo
Anigu ma taageersani musuqa waxaase taageersanhay NINKA HABOON IN LA GEEYO MEESHA HABOON si dalkani hore ugu socdo
Musuqu waa waxyar oo ka mid ah 100 waji ee Siyaasaddu leedahay halka dadka badankiisu siyaasada u haysto reer hebel iyo musuq !!!
Allaa Mahad Leh
Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker