Cadaabta iyo Cidda-gelaysa

Waxaan ku bilaabayaa magacyada Illaahay ee Ar Raxmaan, Ar Raxiim, Al Muciid, Al Xay, Malik Almulk, Al Jaamic, Al Maalik, Al Khaaliq, Al Baari, Al Caadil, Al Xakam, Al Matiin, Al Muxyi.

Marka Qofku dhinto wuxuu xabaasha ku sugaa maalinta ugu dambaysa ee Dunida, Qofka Illaah xagiisa ka xumi Nabad ku heli maayo xabaasha, kan wanaagsanina wuxuu u jiifayaa si wanaag iyo Deganaansho leh. Marka ay maalinta lasoo wada kicinayo Jin iyo Insiba ay gaadho waxaa bilaabmaya Xukunkii illaahay oo keligii u gaar ah, wuxuuna inta badan u dirayaa Cadaabta.

Qormadani inta hore waxay ku siinaysaa cadaabta waxa uu Qur’aanku ka sheegay. Cadaabtu waa meel loo sii diyaariyey kuwa beeniya Waxyiga ka dib markii la soo gaadhsiiyey iyo kuwa dembaaba. Cadaabtu waa meel Eedaad
badan, Naartu waa mid ka duwan waxa ay Aadanuhu maleeyaan marka ay ciqaab xusuustaan, hadana si ay u fahmaan maskaxdoodu inta ay garan karaan waa loogu sheegi karaa dhibaatooyinka ay yaqaanaan, waxaana inoo sahlaya sida Quraanku u sifeeyey iyadoo faahfaahsan.

Waxaynu tusaalayaal kooban ka soo qaadanaynaa macnaha guud Quraanka laftiisa, waxaynu soo bandhigaynaa cadaabta Quraanka lagu xusay, ogaadana in Cadaabtu tahay meel lagu keeneeyo, lagu ceebeeyo, lagu Tollo, lagu gumeeyo, lagu gaajaysiiyo, lagu qarqarsiyo, lagu bahdilo oo ciqaab lagu Abaal mariyo Dembiilayaasha Aduun.

Magacyada Cadaabta Quraanka lagu sheegay waa Todoba; Jahanam, Jaxiim, Saciir, Saqar, Ladtaa, Haawiya iyo Xutama. Dhamaantood waa kulayl aad u daran, Dab iyo Olol la quusayo, olol butaacaya, Kulayl xad dhaaf ah,
Hanfi ama tu ku jejibineysa.

Sida ku qoran Quraanka, Cadaabtu weligeed way jireysaa, ciddii gashaa way ku waaraysaa marka inyar laga reebo, intaa yari waa Muslimiin ciqaabta dembiyadii ay galeen soo dhamaystay, waana kuwii loo waayey shaqo wanaagsan
intay Aduunka joogeen oo ay ugu gudaan dembiyadooda, Quraanku wuxuu ku xusayaa Suuradda 72aad Aayadda 23aad ” Arinkaygu waa inaan idiin soo gudbiyo Fariinta Alle, qofkii caasiya Illaahay iyo Rasuulkiisa, naarta ayuu gelayaa, isagoo ku waari doona ” , Aayadahanina si odhaw bay muujinayaan 33:64, 5:37, 4:168-179 iyo 2:167. ” waxaa xaqiiq ah.

Albaabada Janada loo furi maayo kuwii inkiray waxyiga ee weliba ku jeesjeesay, in Janada loo ogolaadaa waxay la mid tahay Awr la yidhi ka dus Irbad daloolkeed, sidaas baanu u abaal marin doonaa dembiilayaasha, Dhamac bay sariirtoodu noqon doontaa, mid kalena waanu huwin doonaa, sidaas ayaanu u abaal marin doonaa caasiyiinta (
Quraanka 7:40-41 ).

Albaabada Naartu sida Quraanku sheegay waa Todoba, Illinkiiba waxaa ka gelaya in gooni ah oo ka mid ah dembiilayaasha Aduun, Aayadaha quraanka ee ku soo arooray waxaa ka mid ah 39:71-72, 90:19-20 iyo ” Hubaal, Cadaabtu waa Gurigooda dhamaantood, waxayna leedahay Todoba Albaab, Illin kastaa wuxuu gooni u yahay dembiilayaal gaar ah, ( Quraanka 15:43-44 ) “.

Shiidaalka Cadaabtu waa Dhagaxaan iyo Dadka ah – Muslimka Eexda yaqaan, kuwa Alle beeniyey iyo kuwa aan Caabudin Illaahay keligiis, ( Quraanka 2:24, 3:10, 21:98-99, 26:91-95, 72:14-15. ” Muslim Alloow, Naftiina iyo
Ehelkiina ka badbaadiya Naarta Xaabadeedu tahay Dad iyo Dhagaxaan, Malaa’igna loo wakiishay iyagoo u fulinaya si daran, marna ( malaa’igtu ) ma diidayaan amarka Eebe, ee sidiisa ayay u fulinayaan, ( Quraanka 66:6 ) “.

Cuntada Cadaabtu waa mid kadeedka kugu sii badinaysa, gaajo ma bi’iso nafaqona lagama helo, ” Ehlu cadaabku cunto ma helayaan, tu qadhaadh, dhir qodxan leh oo aan nafaqona lahayn gaajona ka bi’inayn mooyaane” ( Quraanka 88:6-7 ).

Waxaa jira geed la yidhaahdo Saquum oo Ehlu naarku cuni doonaan. Geedka xididadiisu waxay ku jiraan cadaabta gunteeda, laamahiisuna waxay u eg yihiin madaxyo Shaydaan ( wax anfariir iyo firka nax kugu ridaya fool
xumadiisa ).Geedka Saquum waxaa kaloo ka hadlaya 37:62-68, 56:51-56.

” Cunto kale ma jirto qidhunka Dheecaankooda mooyee.” ( Quraanka 69:36 ) .

” Xaqiiqdii, Geedka Saquumku waa cuntada Ehlu naarka, waa sida Saliid madow oo rib ah, marka la liqo, kulaylka Caloosha ayay isku laba rogayaan, waa sida biyo karaya ” ( Quraanka 44:43-36 ).

Dhibaatada cadaabtu waa mid Jidh ahaan iyo Maskax ahaanba ciqaab adag,Cadaabta kulayl keliya la iskuma ciqaabayo, cadaabtu sida habar dugaaga ayay Cartamaysaa oo gurxan ba’an iyo baqdin ayay leedahay, gudaheeda waxaa ku nool Masas iyo Dibqaloocyo haday ku qaniinaan aad Tobannaan sanadood la ildaraanayso.Cadowga Islaamka waxay cadaabtu u bilaabmaysaa isla markuu Naf baxo

Ehlu naarku marka lagu amro inay galaan Albaabadaa Cadaabta lagu ciqaabayo, iyadoo loo egayo sida ay u kala dembi badan yihiin Alle agtiisa kulaylka, cadaabtu waxay ka saaraysaa Haragga, waxaa markasta loo usboonaysiinaya sidii qof iminka yimi ilaa inta uu Cadaabta ku jiro. si kastoo ay u cabaadaan iyagoo saamaxaad weydiisanaya loo jixinjixi maayo. Qofna ma xejin karayo qadhmuunka, Uurada iyo kulaylka cadaabta, kii isku daya
inuu cararo waxaa celinaya Birro af qoolaaban leh iyagoo kusoo celinaya dabka.

“Ehlu naarku waxay ku odhanayaan Waardiyayaasha Naarta, Illaahiina noogu yeedha bal in maalin la nalaga khafiifiyo ciqaabta ” ( Quraanka 40:49 ), Malik waa Malagga u madaxda ah 19ka Malag ee Cadaabta, waana mid aan u naxariisan dembiilayaasha, markay yidhaahdaan Ehlu naarku ha naloo naxariisto, Malik ka neefin maayo, wuxuuna ku odhanayaa ” sowdinkii runta diidey markii la idiin keenay ” .

Cadaabta waxaa gelaya kuwa- Alle jiritaankiisa beeniya- Illaahay wax ka badan Caabuda- diida waxyiga- muslin qudha ka jara- dembiilayaasha ah- Gacan ku dhiiglayaasha- Cadaalad xumayaasha- Waxyiga Qariya- Nafta iska
jara- Keligood taliyayaasha, axmaqiinta ah- Aduunka ka jecel Aakhiro iyo munaafiqiinta (aanay dhab ka ahayn Islaanimadu ).

Culimadu waxay isku raaceen in qof walba waajib ka saaran yahay fidinta Diinta, sidayda haba aqoon yaraadee, marba haddii uu wanaag uga jeedo, Kitaabku waa Ammaanada ugu weyn ee la iska rabo gudbintiisa. Waxaa igu
dhiiri geliyey Khudbadii Jimcaha ee manta ( Masjid Abuubakar ee Galbeedka Landhan ) oo ku saabsanayd Ammaanada Cilmiga, Kitaabka iyo Fidinta Diinta Islaamka. Illaahay baa Cilmi u sugnaaday.

Shaqo Guri; Halkee ayay iska soo galaan Eexda iyo Qabyaaladdu, halkay iskaga soo darsamaan dibu dhaca iyo Eexdu ( Muxaafid iyo Mucaaradba ) xagayse ku kala baydhaan Sadaqadda hadalka wanaadsan iyo Munaafaqaddu.

Bashiir Tarabi Oogle,
bogleh69@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker