Maxaad ka ogtahay Haweenka naftoodii ku waayay Rag jecel awgiis

Ragga dumarka ay saaxiibka yihiin qudha ka jara ee ka hinaasa in ay rag kale la hayaan ama sheega in ay si kale u khiyaameen aayaan warkoodu ku koobnayn dalalka Galbeedka oo kaleiya ee xataa Afrika ayey ka dhacaan dilalka noocaas ahi oo warbaahintu tabisaa.

Dalka Kenya ayaa dhawr dhacdo oo noocaas ahi ka dhaceen. Waxaanan halkan ku xusaynaa dhacdooyinkaa qaar ka mid ah oo haweenkaa ay dilaan niman ay saaxiib yihiin.

9 Abriil 2019 Waxa magaalada Eldoret lagu dilay haweenay dhakhtarad ahayd. Haweenayda oo magaceeda la odhan jiray Ivy Wangechi waxa dilay nin ay saaxiib ahaayeen.

4 Feeberweri 2019 waxay boolisku ka heleen meydka haweenay iyo gabadh ay dhashay oo laga helay gurigooda oo ku yaal Naivasha.

1 Maarij 2019 waxa tuulo ku taal Kenya oo la yidhaa Kimeson saaxiibkeed ku idlay Mercy Chepkurui oo uu ka shakiyey in ay nin kala la socoto.

5 Sebtember 2018 waxa maydkeeda la helay gabadh ahayd ardayad jaamacadeed. Gabadhaas oo la odhan jiray Sharon Otieno. Badhasaabka gobolka Migori ayaa lagu eedeeyey in uu dilka gabadhaas ka dambeeyey, waxaana la sheegay in uu diidanaa in ay ilmo u dhaso maadaama uu ogaaday in ay isaga uur u yeelatay.

3 Diisember 2016 waxa saldhig boolis oo ku yaal degmada Thraka-Nithi oo ay ka shaqaynaysay lagu dilay Grace Opiyo. Waxaana toogtay askari kale oo ay saaxiib ahaayeen oo ka hinaasay.

Warbaahinta Kenya waxay marar badan baahisaa warar sheegaya dumar ay dileen rag ay saaxiibo ahaayeen ama kuwo qabay, oo mararka qaarkoodna ay raggaa dumarka hinaasaha ku dilaa yihiin askar iyo saraakiil boolis ah.

Dilka haweenayda shalay ninka ay saaxiibka ahaayeen ku dilay Eldoret, ayaa ka cadhaysiiyey bulshada Kenya, ha u badnaadeen dumaka iyo ururada u dooda xuquuqda haweenkuye.

Waxay dadka reer Kenya dilkaa shalay ilaa maantadan ku hadal hayeen barta Twitter-ka ee bulshadu ku xidhiidho oo waxa halqabsi [hashtag] u ahaa doodda soctay EqualityForGirls

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker