” Sadex Khalad Uu Madaxwayne Muuse Biixi Ka Galay Habraaca Diblomaasiyadda ee Qaranka ” Amb Axmed Safiina

Sadex Qalad oo uu Madaxwayne Biixi ka galay habraaca diblomaasiyadda ee qaranka:

1. Xil ka qaadista uu dhawaan madaxwaynuhu ku sameeyay laba safiir [wakiil dal], iyada oo aan waligeed la arag madaxwayne yidhaahda safiir ama wakiil xilkii waa aan kaa qaaday oo ducaqabe xilku waa meerto ee nabadeey iyo carraabo wanaagsan!

 

Madaxwaynahuhu xaq uma laha xil ka qaadis safiir ama qunsul, marka xilka laga qaadayo waxaa jira hab maamuus ama protocol loo maro, kow waa in wasiirka khaarajigu uu diblomaasigaa u yeedhaa kuna soo celiyaa wasaaradda arrimaha dibedda isaga oo u qoraya warqad ah in looga baahan yahay wasaaradda shaqadii uu dalkaa uu joogay ka hayayna ay soo dhammaatay.

Safiirku marka ay warqadaasi soo gaadho waxa uu war gelinayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka uu joogo kadib waxaa loo samaynayaa sagootin sharafeed uu madaxwaynaha ama wasiirka khaarajiga la kulmayo, waxaana lagu sii maamuusayaa casho sharafeed laguna soo casuumayo safiirada dawladaha kale ee dalka ku sugan, diblomaasigaasi waxa uu ku soo xaroonayaa muddo aan ka badneyn 30 cisho.

 

 

2. Curfiga dawliga ah ee dhanka magacaabista xilalka safiirnimo waxaa leh guddida joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibada iyo wasiirka arrimaha dibada, safiirka ay isla qaataan in dawlad heblaayo loo magacaabo ayaa la hor gaynayaa madaxwaynaha magacaabis-tiisa iyo CV-giisa oo dhammaystiran markaas ayaa uu madaxwaynuhu saxeexaa ama diidaa isaga oo qoraya sababta uu ku diiday.

Safiirka la soo celiyay marka uu dalka yimaado, waxa uu si toos ah uga hawl galayaa wasaaradda arrimaha dibada, intaa kadib ayaa madaxwaynaha iyo wasaarada arimaha dibadu xaq u leeyihiin in ay qoraan warqada layidhaahdo soo jeedin safiir, waxa ayna maraysaa saddex sallaan kadib ayaa uu madaxwaynuhu saxeexaa digreetada safiirka cusub ee ka soo fushay wasaaradda arimaha dibada.

Waraaqaha diblomaasiyada dalka xafiiska madaxwaynaha lagama soo curiyo ee way ku dhammaadaan, Madaxwaynuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu si toosa ah u magacaabo 10% safiirada dalka isaga oo aan la tashan wasaaradda arimaha dibadda waxaana kamid ah masuuliyiina loo yaqaano oo macruufka ah sida:-
▪ Taliaha sirdoonka qaranka.
▪ Taliyaha ciidanka Milatariga.
▪ Xeer ilaaliyaha guud iyo
▪ Guddoomiyaha maxkamadda sare.

 

 

3. Xil beddelka uu madaxwaynuhu ku sameeyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibada oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Masar casuumad rasmi ahna ka helay dhigiisa dalkaa, xil beddalkan oo dhabar jab weyn ku ah xidhiidhka cusub ee somaliland iyo Masar waxa aan aaminsanahay in dawlada Masar iyo dhammaan dawaladaha indhaha ku hayay safarka wasiir kuxigeenka ku joogay Qaahira in ilaa shalay su’aalo badan ay iska weydiinayeen.

Ugu dambayn madaxwaynaha waxa aan xasuusinayaa in xil kaqaadistii uu ku sameeyay saddexda wasiir ee wasaaradahoodii lagu soo eedeeyay musuqmaasuq ee uu ku qancay in uu xasaanadda ka qaado in ay ahayd in uu digreetada ku caddeeyo “kadib markii musuq maasuq la idinku soo eedeeyey, eedeymaha hordhaca ahna aan ku qancay waxa aan goaan saday in aan xilalkii qaranka idinka xayuubiyo” ee aanu u eryin sidii masuuliyiinta caadiga ah.

 

 

Wali sixid baan la joogaa, saxarkii qaloocdaba!
Alaa mahad leh.

 

. Amb Ahmed Safiina
X/X/D/C/I/W/I/EE XISBIGA WADDANI

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker