Maxamuud xaashi  markuu su`aalaha  ku margado qaar uu soo abaabulay ayaa kaga saarayey   sacab iyo alalaas

Siyaasi Maxamuud Xaashi wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland ayaa xalay  umadda muxuu la hor yimid,  shacabkuna wuxuu u baahi qabey tuhuno badan oo heshiiska dekeda iyo kan saldhiga mileytari in uu xaqiiqada bedka keeno oo umadan walaacsan tuhunka ka saaro.

 

Maxamuud Xaashi waxaa ka muuqatey kalsooni daro weyn, waxaana uu  fagaaraha shacabka ugu martida ahaa ku soo daabuley dad badan oo tageeraysan oo qaar la sheegay inuu lacag siiyey ay ku yimaadaan iyagoo ka kala yimi gobolada dalka , waxaana ay    barnaamijkoodu  ahaa iney maxamuud xaashi  marka uu su`aalaha  ku margado ay kaga saraan  sacab iyo alalaas ay ku dhago barjeeyaan bulshada meesha iskugu timid.

 

Waxaa la siiyey qadar sodon daqiiqo ah (30 minute) waxa uu ka sheekeeyey tariikh hore ,  Intiisa badana waxa uu ku qaatey qaarada Afrika sidey isu hayso wuxuu u soo biyo dhacey arimaha geeska waxaanu xusey geesku inuu galey jawi ka gedisan kuwii hore.

 

Maxamuud  sidey shacabku u yaqaanaan waa nin aftahana oo af-gobaadsiga ku wanaagsan waxaa bilaamey su`aalihii, garyaqaan Guuleed dafac oo barnaamijka daadihinaayey ayaa  weydiiyey su`aalo muhiima waxaaney u dhigneyd sidan.

“UN monitoring group waxay soo saartey war bixin ah in calaa xildhibaan la siiyey shan iyo toban kun oo doolar (15000) su`aashan wasiir xaashi la weydiiyey ee sidan u dhigneyd waxa uu kaga jawaabey “wey ina fadeexadeynayaan oo inagey ina caayayaan qoladaa groupka ahi halkan mey joogin markii arimahani socdeen” qodobkaa xaashi waxa uu kaga baxey is diidsiin inuu runta sheego ah.

 

Sidoo kale is la todobaad ka hor waxaa hotel ambassador ka dhacdey dood laga wada hadlaayey arimaha dastuur dodaa waxaa ku casuunaa xildhibaan cabdi qaadir jirde , waxaanu sheegey wagii heshiiska la keeney baar-lamaanka in xildhibaano ay golaha ku wada jiraan ku yidhaahdeen “waar maxaad la qeylineysaa maad iska aamustid koleyba waanu ansixineynaaye; Isna ugu jawaabey qeyladeydu wax badan ayay idiin kordhineysaa ee iska dhageysta. Waxaanu ku sii derey dee iminka bahal zaad la yidhaah ayaa jirta. Qodobkaa xaashi ka damqadey inuu uga jawaabo sidii saxda ahayd waxaa hore u sii bayaamiyey xildhibaan jirde in golaha la laaluushey.

 

Guuleed dafac ayaa isla hadana ku celiyey su`aal sidan u dhigneyd. Saldhiga mileytari waxaa la sheegey inaan lacag laga qaadeyn oo lagu badashey mashaariic horumarina mushruucii u horeeyayna noqoneyso Berbera iyo wajaale mashruucaa. Barbara corridor waxaa loo yaqaaney wado madax banaan oo wadadeena kale ka duwan Ayaan dhaweydna waxaa la dhagax dhigey wadadeena oo la kabkabaayo oo la yara balaadhinaayo heshiiska aad ku jirteen ma waxaad kula heshiiseen oo military base ka inoo sii seen in wadadeenuun ley noo balaadhinayo?

 

Xaashi wuxuu ku jawaabey sidan: dawlada imaaradka carabta ee saldhiga aynu sii ney waxa aynu macaashney waa wadadaa. Wadada hada la sameyn donaana waxaan u xaqiijinayaa iney wado cusub tahay. Sidii uu sheegey wasiir cabdilaahi abokor waa wado cusub maaha kabkab waan saxayaa. “Xaashi iyo abokor kebaa run sheegaya”.

 

Sidoo kale waxaa la weydiiyey su`aalo doora oo badan waxaa su`aal aad u dhumuc weyn oo muhiima weydiiyey yaasiin calase. Su`aashana waxa uu kaga jawaabey af-gobaadsi. Kaliyaata wuxuu runta ka sheegey heshiiskii lagula wareegey arimaha hawada. Oo uu yidhi waa leynaga xoog roonaadey.

 

Maxamuud Xaashi su`aal kaliyaata oo sidey ahayd uu uga jawaabey mey jiren. Su`aal kastana oo mihiimana ajandaha ayuu ka duwaayey waxaanu uga jawaabaayey si kor xaadisa oo maahmaahyo iyo waxaan macno buuran lahayn ku dheehantahay.

 

 

Cadhod Badar Cadhod

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker