Maamulka Shirkaddaha Airport parking Iyo Security Risk Management (SRM) Ee Madaarka Hargeysa Oo lagu Wareejinayo Nin Uu Abti U Yahay Madaxweyne Muuse Biixi

Warar lagu kalsoon yahay  ayaa sheegaya in Shirkadihii Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi Lacagaha ku guran jiray ee Madaarka Hargeysa Lagu Wareejinayao Nin uu Abti u yahay iskuna Beel yihiin Madaxweyne Muuse Biixi.

 

Waxaa lanoo xaqiijiyey oo soo ifbaxay  in  (Airport parking) barxadda gawaadhida la dhigto ee madaarka Hargeysa , iyo Security Risk Management (SRM) shirkadda gacanta ku haysa kamaradaha nabadgelyada iyo qalabka wax lagu baadho ee Madaarka Hargeysa dhawaan lagu wareejinayo , Ninkan Lagu wareejinayo khasnadda iyo maamulka shirkadahaas ayaa  maamuli jiray shirkadda Ethiopian Airlines isagoo ku wareejiyey maamulkaas walaalkiis islamarkaasna xafiis awood badan ka furtay madaarka Hargeysa  ayaa lagu magacaabaa Cabdi Qafaar.

 

Waxaana  la sheegayaa  in khasnadda lacagta shirkadahaas weli gacanta uu ku hayo Maareeyaha Duulista hawada iyadoo   xukuumadda Muuse Biixi aanay la wareegin sidii la filayey , laakiin waxaa cadaatay in lala sugayey in lagu wareejiyo sakhsi loosoo xulayey inuu gacanta ku dhigo maamulkeeda .

 

 

Dhinaca kale sanadkii hore horaantiisii ayay ahayd markii uu Madaxweyne Muuse Biixi gacanta u geliyey nin ay isku beel yihiin Aqoosiga wadista Gaadiidka dadweynaha (Driving License) oo hoos timaada wasaaradda gaadiidka Somaliland .

 

Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ahaa wasiirka duulista hawada somaliland islamarkaasna ahaa wasiirada ugu awooda badnaa xukuumadii axmed siilaanyo ayaa madaarka Cigaal ee Hargeysa ka sameeyay shirkado uu saami ku leeyahay kuna boobi jiray , taas oo uu bil walba kaga xisaabtamo dhaqaale lagu qiyaasay $100,000 (boqol kun oo doollar).

 

Oodweynenews Hargeysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker