Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Sarkaal Wasaaradda Arimaha Gudaha ka Hawlgalayay Oo Qaab Basaasnimo ah siro Qaran Ugu Gudbiyay Sirdoonka Dawladda Soomaaliya.

Sida ilo-wareedyo xogogaal ahi u soo dusiyeen warfidiyeenka Qarannews waxaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa ku xidhan muddo laba Todobaada ku dhawaada Yaasir Saleebaan oo ah xidhiidhiyaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha & Hayadaha Caalamiga ah ee ku shaqada leh Amniga sida Sirdoonka caalamiga ah ee Dalalka UK & Maraykanka ee ka hawlgala Gudaha Somaliland.Naasir ayaa Waxaa xidhay oo uu Gacantooda ku jiraa Ciidamada Amniga Somaliland,Dhawr jeer ayaanu maxkamad ka soo hor muuqday,Ha yeeshee dib ayaa loo ceshay.

 

Yaasir Saleebaan ayaa waxa ayaa la shaqo geliyey xilligii xukumadii Siilanyo Talada Somaliland haysay,Yeelkeede Yaasir intii Xukumadii Siilanyo dalka ka talinaysay ayaa la xidhay ka dib markii lagu helay Khiyaamo & inuu fojar-gareeyay,Sifooyin Khaldana u adeegsaday Saxeexii Wasiirka Arimaha Gudaha Xilligaa oo uu Wasaarada Warancade Wasiir ka ahaa,Balse waxa xogguhu tibaxayaan in lagu sii daayey Yaasir Qaab beelaysan maadaba Siilanyo oo Talada Dalka hayey Adeer dhaw u yahay.

 

Yaasir Saleebaan wuxuu xafiis hawluhu u igman yahay ku fushado ka dhex samaystay ama ku dhex leeyahay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland,wuxuuna si dhaw & si toosaba ula shaqeeya Wasiirka Wasaarada & Hayadaha Sirdoonka Caalamiga ah Labadaba.Sidoo kale wuxuu Yaasir wada shaqeyn dhaw la leeyahay Sirdoonka iyo Safaarada  Turkigu ku leeyahay Hargeysa,Isagoo jila ama ula shaqeysta sidii qaab Mukhalas fiisayaasha dadka u soo saara ama u fududeeya, halkaas oo uu ka urursado  ama  ka helo  Qadar Lacaga oo Buuran.

 

Geesta kalena Yaasir wuxuu Arimaha Amniga kala shaqeyn jiray Shirkadii fashilantay ee shidaal baadhista  Genel Energy ee Dalka ka carartay, isagoo metelaayey inuu ka socdo Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland,Wuxuuna gebi ahaanba la wareegay Gaadiidkii & Agab kale ee ay Genel Energy ka tagtay oo uu badhkood xaraashay Badhna Gobollada Dhexe & Garoowe u diray & badh uu Hanti uu leeyahay ka dhigtay.

 

Yaasir ayaa sida xoggaha Warfidiyeenka Qarannews helay sheegayaan wuxu hadda u xidhan yahay ama loo haystaa Kiisas Culculus,Sida Khiyaamo Qaran & Bixin Sir Qaran oo muhiima oo uu u gudbiyey Sirdoonada uu la shaqeeyo  & Somali xidhiidh wada shaqeyneed ka dhexeeyo oo ku sugan Muqdisho & Meelo kaleba.Waxayna Arintani xoojinaysaa ama marag u tahay Tuhuno jira & Hadallo Madaxweyne Farmaajo ka sanqadhiyey dhawr jeer ee ahaa in Unugyo & Hawl-wadeen toos ula shaqeeya Hargeysa & Gudaha Somaliland  u joogaan.Taas oo laga dheehan karo ama laga dhex akhriyi karo in Yaasir wada shaqeyn joogto ah la yeeshay xafiisyada sirdoonka Somalia,Farmaajo & Kheyraba,Siin jireyna Xoggo xasaasiya & Warbixino  ku saabsan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Wasaarada Arimaha Gudaha & Somalilandba ka socda,Ku darsoo Masuulkii Xilkan uu hayo hadda Naasir uga horeeyay Maanta waa Madaxa Xidhiidhka Hayadaha Sirdoonka Caalamiga & Sirdoonka Somalia,Fadhigiisuna waa Muqdisho.

 

Sidoo kale kiisaska loo haysto Yaasir ayaa waxaa kaloo mid ahaa isagoo ku maxaafsada Saxeexa & Magaca wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland oo uu Gaadiid,Lacag iyo Agabyo kala duwan kaga helo  Hayadaha Sirdoonka Caalamiga,Gaadiidkaa & qalabkaasna la sheegay inuu dib u sii iibiyo,Macaash buurana ka helo.

 

Taa ka sakow Tibaaxo kale ayaa waxay iftiiminayaan inuu Yaasir Horjooge & Xidhiidhiyaba u yahay Shebekad Dhalinyaro isku xidhan oo dalka Gudihiisa ku sugan oo wadashaqeyn joogto ah la leh Xafiisyada Madaxda Somalia.

 

Isku soo wada duuboo inuu Yaasir Galaangal u yeesho Sirraha Qaranka,xoggaha Xasaasiga ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha & Saxeexyada ee uu Foojar-gareebayaba waxa la sheegayaa inuu u fududeeyay oo wada shaqeyn khusuusiya ka dhexeyso Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Somaliland Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray).

 

Filasho wacan:Warbixino & Xoggo kale oo xasaasiya oo qadiyadan la xidhiidha.

 

Source: Qarannews

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker