Waxgarad iyo Odoyaasha Beesha Bariga Sanaag Oo Shir Ku Yeeshay Magaalada Ceerigaabo, Fariina U Diray Madaxweyne Muuse Biixi

Ceerigaabo(OWN)- Waxgarad iyo Odoyaal kasoo geeda bariga sanaag ee beesha Warsangeli ayaa shir ku yeeshay magaalada Ceerigaabo ayaa waxay kaga hadlay ciidamada Somaliland ee jooga deegaankooda ee degmada Yubbe iyo colaadda ka aloosan degaankaas ee u dhexaysa Somaliland Iyo Puntland .

 

Shirkan oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa waxaana lagu go’aamiyay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.

 

Shirkaasna waxaa laga caddeeyay in beesha warsangeli aanay raalli ka ahayn joogitaanka cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland kuwaasoo fariisimo ku leh aga’gaarka degmada Yubbe.

 

Taas beddelkeeda waxay ogolaadeen in cid walba oo u dhalatay bariga gobolka Sanaag ay iman karto iyadoo aan loo eegayn calanka ay wadato iyo maamulka soo dirsaday toona.

 

Waxgaradka iyo odayaasha ayaa qodobada ay kasoo saareen kulankoodaas u gudbiyey taliyaha ciidamada Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani kaasoo dhinaca Xukuumadda Muuse Biixi oo jawaab laga sugayo.

 

Nuxurka qoraalkan ayaa ka mid ahaa in ciidamada Somaliland ee aan u dhalan bariga gobolka Sanaag ay ka baxaan degmada Yubbe iyo tuulooyinka hoos yimaada ee bariga gobolka Sanaag, waxaana ay sheegeen haddii uu Muuse Biixi aqbalo go’aankaas ay u gudbiyeen uu baaqan doona dagaal ka dhex qarxa Ciidamada somaliland iyo Puntland.

 

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa wakhtigan waxaana ay joogan meela isu muuqda iyagoo labada dhinac ka fadhiya degmada Yubbe ee bariga gobolka sanaag .

 

Oodweynenews Sanaag

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker