Nin Somali Ah Oo Dib Loo Siiyey Sharcigiisa Denmark Oo Horay Looga Ceshaday

Dowlada Denmark ayaa dib ugu soo celisay Mohamed Ibrahim oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Somaliya kaasi oo sharciga dalka laga ceshtay mudo laga joogo sanad iyo badh kahor.

 

Mohamed oo kamid ah 929 qof oo somali ah kuwaasi oo laga ceshtay sharciga dalka ayaa dalkaasi gaadhay sanadkii 2013 waxana sababta sharciga looga ceshtay loogu sheegay in uu amaan yahay dalka soomaaliya xaalada dalkaasi ay soo hagaagtay.

 

23 sano jirkaasi ayaana nolosha ka quusan isagoo bilaabay shaqo dhanka hilib gooynta ah. waxana uu shaqeeyay labo sano iyo badh magaalada Thisted ee dalka denmark.

 

Mushaharka oo ka helo shirkada oo gaadhaya 422,000 kroner ayaana buuxin sharuudaha looga baaha nyahay in uu helo sharciga daganaansha rasmiga lakin waxaa kiiskiisa loogu qiimeeyay sharci hore madama uu bulshada si feecan u dhexgalay.

Dadka reer Denmark ayaa u dooday mohamed iyagoo sheegay in uu yahay qof mudan sharciga dalka madama uu dhexgalay bulshada deegaanka.

 

warbaahinta Dalka Denmark ayaa qeyb ka qaadatay kiiska mohamed madama maalmihii u danbeeyay ay si aad ah u hadal hayeen.

Mohamed Ibrahim

 

Xigasho/DR.DK

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker