Daawo Madax-dhaqameed iyo Odayaal kamida Cuqaasha reer Hargeysa Oo Beeniyey Warar Sheegayey In Dhisme Lagu Jaraayo Wadada 150-ka Ee Degmada Maxamed Mooge

Hargeysa(OWN)-Madax-dhaqameed iyo Odayaal kamida Cuqaasha reer Hargeysa ayaa beeniyey warar maalmihii ugu danbeeyey warbaahinta ku jiray oo ku saabsanaa dhisme guri laga dhisaayo degmada Maxamed Mooge ee koonfurta Hargeysa oo masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UCID iyo dadweyne kale-ba ku sheegeen in laga dhex-dhisaayo Wadada 150-ka ee Hargeysa ku wareegta.

Suldaan C/raxmaan Cawaale Hure iyo Cuqaal kale oo goobta laga dhisaayo Warbaahinta kula hadlay ayaa waxa ay si cad u beeniyeen warkaasi, iyagoo isla markaasina bayaamiyey in dhulka laga dhisaayo gurigan aanu ahayn jidkaas 150-ka balse jidku meel u dhaw maro isla markaasina dadka warkan faafiyey ay si hubsiimo la’aan ah warkan warbaahinta ugu faafiyeen.

Halkan hoose ka daawo Shirkii Jaraa’id ee Madax-dhaqameedkani hargeysa ku qabteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker