“Ballanqaadkii Madaxweynaha Ee Daadmadheedh Waxna Way Fuleen Waxna May Fulin” Siyaasi Khadar Figaase

 

Oodweyne (OWN) Siyaasi Khadar Figaase Dubbed  oo ka mid ah siyaasiyiinta da’da yar ee ka soo jeeda Gobolka Daadmadheedh, isla markasna ah Xubin ka mid ah  Golaha Dhexe ee  Xisbul Xaakimka Kulmiye ayaa maanta mar uu soo booqday Xarunta Guud ee  shabakada caalamiga ah  ee Oodweynenews.com ay ku leedahay magaalada Oodweyne ayaa waxa uu ka warbixiyay hawlaha shaqo ee uu u joogo Gobolka Daadmadheedh, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, “Gobolku Daadmadheedh waa gobolkaygii, waxa aanan mar walba jeclahay in aad aan ka war qabo xaalladiisu halka ay marayso, sidaa darteed hawlo shaqo ayaan ku soo gaadhay Gobolka Daadmadheedh,  maanta waxa ii muuqda in uu Gobolku meel wanaagsan maraayo, isla markasnaa ay hadda un hawli bilow tahay.”

 

Siyaasigu waxa kale oo uu sheegay in ballanqaadkii Madaxweynahu Gobolka u ballanqaaday in uu wax ka qabanayo daruufuha ka jira in ay wax ka fuleen isaga oo dhowr shay carraabayna waxa hadalkiisii ka mid ahaa, “Maahmaah ayaa tidhaahda, Rooma maalin laguma dhisin, waxa aan ka wadaa hawlaha mar lama:wada dhammayn karo balse maalin ba baahiyaha jira in baa la fuliyaa, taasina waa sunnaha nolosha. Runtii madaxweyne Muuse Biixi ballaanqaadkii u u ballanqaaday Gobolka Daadmadheedh wax way ka fuleen sida mashaariicda biyo-soo–saarka gobolka, dhulbeeraadka, caafimaadka iyo baanka oo hadda gacanta lagu hayo, sida oo kalena waxaa hubaal ah in ay  wax badanina  hadhsan yihiin, wixii hadhsanna waa la soo wadaa, sidaa darteed Bulshada Gobolka Daadmadheedh waxa la ga doonayaa in ay xukuumadda la shaqeeyaan sababta oo ah haddii aanay xukuumadda la la shaqayn dawladduna  wax ba ma qaban karto.”

 

Sida oo kale waxa uu siyaasi Khadar Figaase   farriin uu u diray bulshada kala duwan ee Gobolka Daadmadheedh,  “Waxa aan halkan farriin uga dirayaa aqoonyahanada, Waxgaradka, ganacsatada, culimada, dhaliinyarada, haweenka iyo siyaasiyiinta  ka soo jeeda Gobolka Daadmadheedh qurbojoog iyo qaranjoogba, waxaanan leeyahay gacallayaal gobolkan Guulle ka sokow idinkaa leh, waxaana u noqonayaa sida aad ka dhigtaan, sida darteed waxa inala gudboon dhammaanteenba in aynu gamcaheenna ugu gargaarno oo aynu meel uga soo wada jeesano dantiisa iyo daryeelkiisaba. Waxa kale oo aan bulshada u sheegayaa in gobolka dhawaan loo soo magacaabah badhisaab khibrad leh oo waayo arag ah. Ninkaas oo ah nin caadil ah oo culimo ah, kaas oo daacad u ah shaqadiisa, sidaa darteed waa in aynu ka faa’iideysaan jaaniskan oo waa in aynnu badhisaabka gobolka garbaha la qabaan oo la kiciyaan.”

 

“Ugu danbayn xukuumadda waxa aan marka hore ugu mahadcelinayaa sida ay ugu soo jeeddo Gobolka Daadmadheedh, waxaanan leeyahay barbarka ay ka baxdaa waa bakaylo qaleen ee dalku idinkuu idin sugayaa.” Ayuu Siyaasigu hadalkiisa ku soo afmeeray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker