Wasiirkii Warfaafinta Somaliland Oo Eedo Musuq Maasuq Loo Xidhay, Maxkamadna Lasoo Taagayo.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ciidamo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo la filayo in ay soo qabtaan wasiirkii warfaafinta xukuumadda Somaliland oo eedeymo badan loo heysto.

 

Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan Gurobarwaaqo ayaa la  raadinayaa waxaana la sheegay in loo heysto eedeymo ay kamid yihiin musuq maasuq uu sameeyay wasiirka.

 

Muddooyinkii ugu dambeeyay Somaliland ayaa xabsiga dhigeysay siyaasiyiin hore oo xilal soo qabtay iyo kuwa hadda xilalka haya, kuwaasi oo eedeymaha loo heysto Musuq maasuq ay ugu horeeyaan.

 

Wasiirka ayaa waxaa uu xilka ku wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees, waxaana la filayaa in wasiirku maxkamadda hor tago.

Hanti dhowr-ka guud ee Somaliland ayaa markii hore goostay warqad xadhig ah oo lagu soo xidhayo wasiirka markii uu ka horyimid xubno ka mid ah wasaaradda in ay Maxkamadda hortagaan.

 

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa Wasiir Guribarwaaqo in uu hortago Maxkamadda Magaalada Hargeysa si uu uga jawaabo eedaha loo heysto, sida masuuliyiinta Somaliland ay sheegeen.

Sidoo kale dadka la xidhay waxaa kamid ah labo agaasime oo ka tirsan wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker