Wasiirka X/Xoolaha & Kalluumaysiga Somaliland Oo Ina’adeerkiis U Magcaabay Isuduwaha Gobolka Sanaag

Ceerigaabo(OWN) Wasiirka Xannaada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa wuxu C/raxmaan Xuseen Yaaquub oo ay isku jifi yihin u magcaabay Isuduwaha W/Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Gobolka Sanaag kaasoo beddeley islamarkaasna xilkii maanta kala wareegey Isuduwihii hore ee Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Gobolka Sanaag Ismaaciil Saalax Cabdi.

 

Tallaabadan Wasiir Gaafaadhi qaaday ayaa marka laga hadlayo gobolka Sanaag muddadii uu wasiirka ahaa waxay noqonaynsaa tallaabadiisii labaad iyadoo tallaabadii kowaad ee Wasiirku gobolka Sanaag ka qaaday ay ahayd inuu xidhay kalluumaysigii doonyaha yaryar ee gobolka Sanaag isaga ka hor ka jirey kaasoo bulshada tirada badan ee xeebaha ku dhaqani ay ku noolaayeen.

 

Sikastaba ha ahaatee marka loo eego labadan tallaabo ee isku xigey ee Wasiir Gafaadhi ka qaaday gobolka Sanaag muddada sannadka iyo dhawrka bilood ah ee uu wasiirka ka yahay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixii ayaa ah tallaabooyin laga sahamin karo qiimaha iyo waxqabadka wasiirkan ee dhinaca waxqabadka gaar ahaan gobolka Sanaag ee uu kasoo jeedo uu la damacsan yahay.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker