Siyaasiin Ugu Baaqay Madaxweyne Mustafe Cagjar inuu Is-Casilo

Waxaa soo baxay Siyaasiyiin dhaliilsan siyaasada uu Madaxweyne Mustafe Cagjar ku hoggaamiyo Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya , iyaga oo ugu baaqay in uu is casilo.

 

Waxaa ay siyaasiyiinta sheegeen in musuq farabadan uu ka jiro dowlad deegaanka, isla markaana Xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar iyo tan hadda jirta mudo lix bilood ah ay musuq maasuq ay ku wada gaadheen.

 

Mid ka mid ah Siyaasiyiin dowlad deegaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo xukuumadiisa ay yihiin kuwo dhibaatooyin ku haayo dowlad deegaanka,waxaana uu ugu baaqay in Mustafe Cagjar uu is casilo.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii ay xilka ka degi waayaan ay iska dul qaadi doonaan, hayeeshee weli Madaxweyne Mustafe Cagjar uusan ka jawaabin eedeynta loo jeediyey.

 

Siyaasiyiin kale ayaa horay waxaa ay eedeyn iyo dhaliilo kala duwna waxa ay u jeedin jireen Madaxweynihii dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo ku xidhan Xabsi ku yaalla Addis Ababa, hayeeshee aan weli waxba is bedelin.

Madaxweyne Mustafe Cagjar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker