MUDAHARAAD MAKU DAYNAA CAALAMKA AYNU KU DIIDAYNO BAASABOORADOODA (Foreign Passports), KUNA DALBANAYNO BAASABOORKA SOOMALILAND (Somaliland Passport) ???.

Ku Jujuuba  inay Caalamku i

Jiritaankeena Dawladnimiyo

Jamhuuriyadeena Aqoonsadaan

Hadday noo jixinjixi waayaana

Jeex jeexa waraaqadahooda

Oo Jeeniga kor ugu qaata

Jaldigeena Somaliland (Somaliland Passport)

Murti Soomaaliyeed oo an kasoo gaadhay geestaa iyo Awoowyaashay Galbeedka Somaliland,  ayaa waxay ahayd; COLKA WADHAF MA LAGU DAYAY?.   Murtidaas waxay ka tarjumaysa sida Soomaalidu u yihiin talo keenka, talo wadaaga iyo talo raaca,  iyagoo ku dabbaqaya kolba xaaladii taagan wakhtigaasi xaadirka ah. Murtidaai waxan odhan karaa waxa kale oo ay salka ku haysaa, Murtida ama maahmaahda kale ee soomaaliyeed ee tidhaahda MALE RAG WAA DHAWRTO.

 

Hadaba malahaygu wuxu yahay. Haddii aqoonsigii caalamku inagu raagay oo raftay, makaga soo wareegi karnaa Jiho cusub oo hor leh, oo an u badheedhi karno halisteeda si an u gaadhno himiladeena iyo hadafkeena ah inaynu ahaano Dal iyo dawlad Caalam waynuhu aqoonsanyahay?. Si kale hadaynu  u dhigno; Maku dayi karnaa Caalamka inaynu iska diidno Passportska ay ina siiyaan, oo an ka codsano inay Passportka Somaliland noogu dhuftaan sharciyada ay na siinayaan,?

 

Qof kasta oo qurba joog ah, oo dalkan xil ka haya, isla mar haantaana haysta dhalasho dalal kale, ma qaadan karaa Somalialnd Passport?, oo mudaharaadka ma ugu horrayn karaa, ilayn hadii sharciga dalkuu deganaa lagala noqdo, dalikiisuu xil u hayaa, oo iska joogi karaaye? ANIGU diyaarbaan ahay, inaan iska tuuro ‘British Passportka’ an imika gacanta ku haysto (Sida ad ku aragtiin sawirka), markay i hor dhaqaaqaan Madaxda, Wasiirada, Agaasimayaayasha, Xildhibaanada, Maalqabeeenada, Porofessorada IWM ee u dhashay Somaliland isla mar ahaantaana  dhammaantood sita Baasasbooro ama dhalasho wadamo shisheeye. ADNA diyaar ma tahay?

 

Hadal iyo dhammaantii; BURBURKU DHAB HADUU KAA YAHAY, BILAAWAHA DHIIGA MARI. Haddii baroorta ictiraaf raadisku inaga dhab tahay, aynu Baasaboorada Somaliand qaadano oo ku badalno kuwa shisheeye ah.

 

Jawiga waad badali kartaa (Haajir/dhoof/tahriib)

Jarmalka  waad degi kartaa (Wadamo kale)

Juqraafiga waad baran kartaa (Aqoonta)

Jidhka waad caddayn kartaa(Isbadal jidh, dhaqaale, ijticimaaci..iwm)

Kala jaad waad ku hadli kartaa (Luqado)

Jaldi waad samaysan kartaa (Passport)

Jago sare waad gaadhi kartaa

Jeebkaagu wuu buuxi karaa

Daaro waad jeexan kartaa

Codkaaga waad Jeedin kartaa (Vote)

Xaqaaga waad jaran kartaa

Xorriyad waad ku juuqi kartaa (hadal)

Jinsigaaaguse ma guuri karo (Sinji)

Ma Jarmi karto xundhurtaadu (dhalasho)

Ma jeemi karo dhiigaagu (dhaqan)

Jedkaagu ma tirmi karo (Abtirsiin, qooys/qabil)

Mana Jiriri karto Addunaydan

Jeeska Hooyo meel loo dhigi karo.

Oo farxad  lagu jalbeebi karo

Jagijagidana  lagu dheeli karo

Oo  la wada quudan karo Jidiin (Cunto)

Jalna  la wada qaadan karo (cabitaan

Oo Naxariis loogu Joogi karo

Jacaylna loogu jiifsan karo

 

Talo waxan kusoo Jeedin karaa

Jaalliyadda Soomalilandneey

Gees kasta oo ad Jirtiinba

Ku Jujuuba  inay Caalamku

Jiritaankeena Dawladnimiyo

Jamhuuriyadeena Aqoonsadaan

Hadday noo jixinjixi waayaana

Jeex jeexa waraaqadahooda

Oo Jeeniga kor ugu qaata

Jaldigeena Somaliland (Somaliland Passport)

 

 

 

Ilaahaybaa Mahad Leh, Muxammadbaa Sharaf Leh

Cabdiqani Suldaan (Abwaan HiilDan).

Hargaysa – Somaliland

Hiildanyare@yahoo.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker