Miisaaniyada sanadkan 2019 wasaarada warfaafinta waa afar milyan iyo lix boqol oo kun oo dollar,

Miisaaniyada sanadkan 2019 wasaarada warfaafinta waa afar milyan iyo lix boqol oo kun oo dollar,Mushaharka iy gunad shaqaalaha ku baxa waa hal milyan iyo afar boqol oo kun oo dollar.

 

Telefishanka waxa kiradda satellite-ka kaga baxda lacag dhan $495,000 dollar sanadkii, xafiisyada dibada uga furan Telefishanka waxa ku baxa $226,000 dollar, kharashaadka barnaamijyada tv-ga kaga baxdaa waa 105,000 dollar, kharashaadka kale ee TV-ga qaranka iyana waa $109,000 dollar.

Kharashka guud ee tv-ga oo qudha ku baxda sanadkii waa 976,000 dollar.
Hadii tusaale kooban ka soo qaadno Tv-yada madax banaan waxa Satellite-ka sanadkii kaga baxa $180,000 dollar, halka Tv-ga qaranka Satellite kaga baxa waa $495,000 dollar, adigu isku gayso oo kala jaro oo is barbar dhig.
Tv-ga qaranka sida tv-yada kale waxa uu soo saara dhaqaale oo xayeysiisyada uu ka hela, sidoo kale, marka kharashka ka baxa Tv-ga qaranka iyo kuwo madaxa banaan is barbardhig ku samayso inta Tv-ga ku baxa marka afar meelood loo qaybiyo meel ahaan baa kaga baxo oo waliba ka helaan Faa’iido aad u badan, xaga tayada iyo bulshada ku xidhanna ay iyagu dheer yihiin.
Waxaan isku soo koobay warbixin Saab-tv Ka diyaarisay wasaaradda warfaafinta.

 

 

Barkhad-ladiif Mohamed Omar

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker