Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya Oo Xukun Ku Riday Laba Nin Oo Ka Tirsanaa Daacish

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku riday laba nin oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen Ururka Daacish garabka ka dagaalama Soomaaliya sida ay ku dhawaaqayn Saraakiisha Maxkamadda.

 

Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magaciisa afgarashadu yahay Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali oo magaciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Daacish waxaana saakay Maxkamadda ku riday xukun min dhowr-sano ah.

 

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ragaan ku xukuntay min 6 sano oo xabsi ciidan ah kadib markii la sheegay in la helay caddeymaha eedeentii loo jeediyay.

 

Labada eedeysane ayaa mar kawada tirsanaa Al-shabaab, waxa ayna sii doorteen in ay ku biiraan kooxda daacish oo ay sheegeen in ay jireen sababo ku riixayay ku biiristooda kuwaasi oo ku qatoma dana shaqsi ah, sida aar-gudasho iyo damac dhaqaale sida ay sheegtay Maxkamadda.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Shuute, ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda oo ah min 6 sano oo xabsi ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker