Madaxda Qaranka oo ka qayb galay salaada janaasada wasiir xigeenkii shaqada Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

Salaada Janaasada oo marxuumka lagula dukaday gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, wasiiro, ehelka Marxuumka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda.

Dhammaan Madaxadii ka soo qeyb gashey aaska marxuun Xildhiban Saqar Ibrahim ayaa u duceeyey marxuumka waxaan Alle looga bariyey in janadii fardowsa ka warabiyo

Alle ha u naxariistee Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka, ka hor inta aan xilka wasiir ku-xigeenka loo magacaabin waxa uu xubin ka ahaa guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker