KOMINSHINKA DOORASHOOYINKA OO NAIROBI U SHAXAAD TAGAYA …. SEY WAX YIHIIN ?

Nimankii kominshanka doorashooyinka oo doonaya inay hadana mainstream kusoo noqdaan oo isle dadku waydin iloobay ayaa isticmaalaya Jaalle Gudoomiye Salebaan Nuur . Arrintan Heegada Hargeysa ayaa ka shaqaysay Gudoomiye Salebaan Nuur na riwaayadan qooto qootada ah ayuu la matalayaa ……… Muwaadin waa sir cid ha u sheegin Heegada Hargeysa waxay mafrashyada Hargeysa kaga sheekeyeen  dhawr bilood ka hor inayna Doorasho qaban doonin inta Jaalle Muuse Biixi Cabdi xukunka hayo warkaasi wuu soo gaadhay warbaahinta oo dhan ., iminkaa waxa la gartay in loo shaxaad tago Nairobi iyo beesha caalamka waayo mushaharkoodii ayaa qiil qiil ku jira komishinka doorashooyinku lacag aan loo xisaabin ayey u barteen lacagta lagu cunay doorashadii 2017 gacan hore iyo gacan dambe  kor bay u dhaafasyaa $ 100.000.000 Boqol Malyuun oo Dollar markaa lacagtaa ayey doonayaan hadana inay Nairobi Kenya ka dondonaan .

Qolada horrorka ah ee Komishinka ee garan la’a your mission is accomplished waad fuliseen hawshii Heego xukunka u dhiibta bilaha idiin hadhay bustaha hoosta ka gala barakimada dheeraysta hadaydun garan waydeen inaad iskaga tagtaan meesha hadii dadku We The People ay kalsoonidii idinkala noqdeen.

Maanta waxay la shir yimadeen waxay Doorashadu ka qabsoomi kari la’adahay laba qodob kuwasoo ah :

·         Madaxweynaha ,  Golayaasha shacabka oo aan       hawl gelin ( Sida Saami Qaybsiga )

·         Xisbiyada Qaranka oo is dilay.

Laba qodoba waxa ka horeeya in Xisbiyada qaar iyo shacab weynaha Somaliland kala laabteen kalsoonida Komishankan duryamaya waar bal umuurtan eega hay’ad iyadii cudurkii ah oo leh hadana dawadii waa anaga …

Jaallle Gudoomiye Salebaan Nuur oo riwaayadii badhtanka kaga jira oo isle komishankii xalaalaysay hadana ayuu wiil hoog saxafi ahi su’aal hoos ugu dhigay duqa isagoo leh waar Xaaji Salebaan Nuur qolada Komishanka Doorashooyinka sawtii kalsoonida lagala noqday markaa Gudoomiye Salebaan Nuur wuxuu ugu jawaabay saxafigaa maxaad su’aal najiska ah aad ii weydiineysaa Xaaji Salebaan Nuurow su’aashu najis maha ee waxaad wadaan adiga iyo komishinku ayaan Kooshar ahayn oon xalaal ahayn oo nijaas iyo fadaroba ah ee gadhka kala bax waxaa xilka leh …

Muwaadin waxaad modaa inay cawaan la hadlayaan . Meeshan Heego ku dul gaardinayso ee cadaalad daradu meelaha qaar marayso xiligii Jaalle Maxamed Siyaad ( AHUN ) uu is qaawiyey ee usii dhacayey tasooy dheer tahay in afarta dhinac ba dagaal laga oogayo  dadkiina abaaro hayaan weliba aaga uu ka yimi Gudoomiye Salebaan Nuur .

Waa isla Sheekadii Jaalle Maxamed Siyaad ( AHUN ) oo iyadoo xabadu ka dhacayso min Waqooyi ilaa Hiraan oo Jawhar iyo shabeelaha dhexe la maryo Ciyaraha Gobalada ka furay Xamar …….. Jaalle Gudoomiye Salebaan Nuurow Ciyaaraha Gobolada naga daa oo Masaajidka Ciyaarta ka dhaafa Heego Qadada Qoyska si kale ha u difaacdo. ……… History repeats itself, and that’s one of the things that’s wrong with history…..

 

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker