Dumarka New Zealand oo “Xijaab” Xidhay Si Ay u Garab Istaagaan Muslimiinta Dalkaas

Dumar badan oo New Zealand u dhashay ayaa Jimcihii la bistay xijaabka, si ay garab isataagooda ugu muujiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay xasuuqii ”Christchurch” iyo guud ahaan jaaliyadda Muslimiinta ah ee dalkaa ku dhaqan.

Dumarka xijaabka soo qaatay waxaa ka mid ahayd Ra’iisul-wasaare “Jacinda Ardern” oo ka mid ahayd dumarkii xijaabka xirnaa xilli ay ka qeybgaleysay Salaadda Jimcaha.

Sidaas oo kale waxaa si xoog ah baraha bulshada ugu faafays sawirka askariyad New Zealand u dhalatay oo xijaaban oo ilaalineysa qabrigii lagu aasay dadkii dhacdadaa ku naf waayay, gacanteeda waxey ku haysatay qori, garabkeedana waxaa saaranaa ubax.

Sidaas oo kale dumarkii wariyeyaasha ahaa baahinta warkii Jimcaha waxey soo xirteen xijaab iyagoo warka telefishinka ku baahinayay xijaab, arrintaas oo dad badan soo jiidatay, arrintan ayaa ka dhalatay ol’ole ay bilowday haweenay dhakhtarad ah oo adeegsatay hashtaag #Xijaab garab istaag dartii loo xirto. Maanta waxaa garab taagannahay walaaladeenna, New Zealand dhammaanteed waan jecel nahay.

Dhanka kale Mills Workman, ayaa barteeda Twitterka ku soo qortay: “Xijaabka waxaan u wataa si aan dumarka u garab istaago kuwaas oo lagu dhibaateeyay diintooda iyo waxa ay aaminsan yihiin, waxaan ku dadali doonaan inaan codkooda gaarsiiyo dadka kale waddo walba oo suurtaggal ah.”

Backy Johnson ayaa dhankeeda soo qortay: “Waxaan ka qeybgalayaa ol’olaha xijaabka, jacaylka iyo garab istaagga ayaan la qeybsanayaa muslimiinta New Zealand ku nool.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker