Alshabaab Oo ka Hadlay Sababta Ay U Doorteen Weeraridda Wasaaradda Shaqada Soomaaliya

Barqanimadii shalay ayaa weerar ku bilowday qaraxyo waxaa lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Isgoyska Jubba, waxaana weerarkaas sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo shaaciyey sababta ay u weerareen.

 

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa ku sheegay sababta ay u weerareen Xarunta in Wasaaradda ay ku howlanayd qorista Ciidamo la dagaalama Ururka Al-Shabaab.

 

Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay sidoo kale diyaarineysay ciidamo dharcad ah oo basaasa Culuma’udiinka ku nool Magaalada Muqdisho iyo cid kasta oo kasoo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya waa sida ay hadalka u dhigeen.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay Cabdi Caziiz Abuu Muscab in Wasaaradda Shaqada ay sidoo kale qoreysay dhalinyaro ka qeyb qaata dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka, iyada oo loo marayo Barnaamijka isxilqaan, taasina uu sheegay inay tahay mid kasoo horjeeda Diinta Islaamka.

 

Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in weerarkii shalay ay ku dileen 15 oo uu ku jiro Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaka xukuumadda Soomaaliya , islamarkaana ay ku dhaawaceen 26 kale oo ay saraakiil ku jiraan.

 

Kooxda Alshabaab

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker