Waxba ma fahmo waayo Runtaan ka dhuuntaa.( go beyond the analytic mind)

Dhibaata kasta oo igu dhacda, mahayo wadadii xalkeeda,waxaan ku ilaawaa dhibtaas duruufaha ilbidhiqsi kasta noloshayda kusoo kordha ee maalinlaha ah, midba mid bay idhiibtaa,ma dhibsado oo waan iskala noolaadaa,anoo ka dhuumanaya xaqiiqada nolosha i hortaagan ee aanan xalba u haynin(Concealing the contrary of the reality).
Qiimaha qofku leeyahay wuxuu ku xidhan yahay waxa uu qabto wanaagiisa iyo xumaantiisaba, Heerka aynu marayno waxay dacaayadu ka mid tahay Tool-ka ugu muhiimsan ee wax la isugu sheego waayo itaalkeena ayaa halkaa ina dhigay,Cabsida shakhsi walba ku hareeraysan waxaa sabab wayn u ah cidii ku haboonayd in la xidho ayaa wax la dhagaystaa.

 

Waxaa jiraa dad u dhiban dulmi ay galeen oo ay fududahay in ay ka bogsadaan.
#Dhoohane waa marxaladda aynu dhexmushaaxayno waxaynu dugsanaa dareen aan dan inoogu jirin #qabyaaladd waa cudur aafo ah waa nidaamka kaliya ee dadka lagu kala qaybiyay ee aan abidkeed faaido laga dheefsan, waa “package of all problems” waa cilmi khariban oo wax lagu boobo 1960 ilaa hadda 2019 Reero ayaa laga sheekayaa dadka ku dhintay malaayiin kama yara, dad iyo duunyo laga faaiday ma jirto.
Dhoohane (Dhoohane afsoomaaliga waa qof isaga dhiigiisa lagu taajiro oo laakiin isagu aan is ogayn) waa cid u afduuban dan been ah oo cidi ku guurayso ogow adaa eersan doona “ilaahay ha inna wada caafiyo Dhamaanteen” Dawladda hadii wax inoo qabato si cadaalad ah iyadda ayaa reer inoo ah danteenuna ku jirtaa, Hadii ay wax inoo qaban waydana heshiiskay inala gashay ee labada daraf ahaa “aan ku doorto ee waxaa ii qabo” haday qaban waydo inaguna waynu ka bixi karnaa heshiiskaas sharciguna sidaas waa ogolyahay.

 

 

#DhibaneDhibgayste wuxuu ka mid yahay bulshadeena waa dhibane haddana dhib ku foogan, wuxuu ku jiraa xaalad mugdi badan, waa matalayaasha inoogu cadcad, Meelkasta oo uu joogo wuxuu ku jiraa cidhiidhi,se Xariifna wuu isu haystaa “Never Trust your own brain” ku darso hadalkasta oo uu maqlo ama arko wuxuu ka baadhayaa wax u eeg in ay ku jirto,inta ku xidhana ma aaminsana ee ninba ninbuu sii daba dhigay “Xanta iyo dhaqdhaaqa ii dhagayso” dadkan ku xidhani waa dad fahansan laakiin dulqaadanaya fariidnimo ayay isaga ula eegtahay Dhibgaystahani hadii aanu dhib galin waxanba iskumuu hawleen alla ha usahlo.

 

Qiimaha qofku leeyahay wuxuu ku xidhan yahay waxa uu qabto wanaagiisa iyo xumaantiisaba, ilaahayna wuxuu inoo sheegay qofka xaqqa aan ku leeyahay gutaa inuu liibaanay.

Xaqqa ilaahay inaggu leeyahay.

1-Xaqqa Xuska iyo gudashada waajibaadkiisa
2-Xaqqa macaamilka dadkiisa.
3-xaqqa ucadaalad falka masuuliyad kasta oo aad hayso.
4- Xaqqa qoyskaaga ubadkaaga iyo xaaska.
5- Xaqqa usamafalka umaddisa karaamaysan.

 

Dhinackasta oo aad ka eegto ilaahay intuu inna faray midba midbay ku xidhan tahay mana kala maarmi karto, hadii aynu u gudano si wanaagsan waxaynu ku noolaan doonaa cisi iyo sharaf. Ilaahayna ha inna garansiiyee dhamaanteenba.

 

Haddaba waqtigaaga haku lumin inaad cid xumayso waxay ku galin kartaa dhib aanad waligaa kasoo kaban doonin.
Haddalka Xaqqa ah waa sadaqo!

 

Ahmedyasin Sh cumar Sh Ahmed Furre

ahyaseen216@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker