2-Milyan oo Dollar Ayaa Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Lagu Lunsaday (Gari Alle ayay taqaan Guri Barwaaqo ayay ahayd In la xidho)

Intaan ogahay Agaasimihii maamulka iyo lacagta Mr. Xasan Yare ayaa loo xidhay fadeexada dul hoganaysa Wasaaradda Warfaafinta. Xasan anigu horre ayaan uga hadlay manay ahayn Inuu Wasaaradda ku soo noqdo wixii uu hore uga gaystay awgeed, waxaana soo celiyay Cismaan Cadaani.. Arrinta la yaabka ah waxay tahay Xasan Yare waxaa la shuraako ahaa Wasiir Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo ah Wasiirka Wasaaradda, isaga ayay ahayd In la waydiiyo halkay martay lacagta maqan ee 2-Milyan ee dollar ahi.. Lacagtan waxa badan keeda lagu la baxay kharashaad. Sida In Barnaamijyo ay ku baxday midkiiba lacago 50,000$ ka badan Lagu soo sameeyay, waana sababihii lagu badalay Maariyihii Tv-ga Qaranka Muuse Jaanbiir, markii Hanti dhawrku waydiiyeen in Barnaamij yadaasi jiraan Muuse Jaanbiir Wuu Cadeeyay in aanay jirin Barnaamij-yo lacagaha intaas leegi ku baxeen. Taas ayaa keentay inuu Wasiirku Deg Deg isbadal u sameeyo isagoo ka cararaaya inuu fashilmo, Muuse Jaanbiir na u arka Nin toosh ku shiday, waaki Xafladii xilwareejinta xitaa huursaday. Agaasime Waxeedku lacag aanu Wasiirku saxeexin ma labixi karo mana saari karo. Markii Wasaaradda loo magacaabay Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo bilawgiiba Xasan Yare way Isla jaan qaadeen sidii caadada ahaan jirtay….

Madaxweyne Muuse Biixi ummaddu ka akhrisan mayso Agaasime Waxeedna waan xidhayaa Wasiirkii labada Milyan ee Dollar cunayna hoostaan ku haysanaya. Madaxweynuhu amma hayska wada walaaqdo amma wax ummadda u Cuntama hala shir yimaado.

 

Muniir Axmed Cigaal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker