“ Shacab Badan Oo Ku Dhintay Duqaynta Marakanka U Gaysto Soomaaliya” :Amnesty International

Hey’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in ay Dad shacab ah ay ku dhintaan duqaymaha Mareeykanku uu Soomaaliya ka geeysto.

 

Dowladda Mareykanku waa in ay sameeysaa baritaan dhex-dhexad ah oo ay cadeeyn la aamini karo u keentaa duqaymaheeda sii kordhaya ee ay Soomaaliya ka geeysto oo dilay tiro badan oo shacab ah, ayey warbixinteeda cusub ku sheegtay Amnesty International.

 

Hey’addu waxaa ay sheegtay in dagaalka qarsoon ee Marfeeykanku uu ka wado Soomaaliya muujinayo in 14 shacab ah ay ku dhinteen, tiro intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen Shan duqaymood oo diyaaraha aan duuliyaha lahayn ay ka geeysteen Gobolka Shabeelaha Hoose qaybaha ay maamulaan Al-shabaab.

 

Weeraradu waxay u muuqdaan in ay ku xad gudbeen Xeerka caalamiga ah ee Dagaalka qaarkooda waxaa ay noqon karaan dambiyo dagaal.

Amnesty waxaa ay sheegtay markii ay baaritankeeda ku ogaaneeysay khasaaraha Shacabka gaaray in Taliska Mareeykanka ee Qaradda Africa uu inkirayay in Dad shacab ah uu khasaare kasoo gaaray Howlgaladooda Soomaaliya.

 

“Tiradda geerida shacabka aan daaha ka qaadnay waxaa ay soo jeedineeysaa sirta ku harteereeysan doorka Mareeykanka ee Dagaalka Soomaaliya kaasi oo caad ku daboolaya xasaanadda” ayuu yiri Brian Castner oo Amnesty kala taliya xasarada iyo howlglladda military-ga.

 

“Waxa aanu ogaanay waxay si toos ah uga soo horjeedaa military-ga Mareeykanka oo tiradda Dhimashadda shacabka ku sheega Eber. Sheegashadaasi waxaa ay u muuqataa mid aan xaqiiqo ahayn markii aad tixgaliso duqaymaha Mareeykanku uu ilaa sanadkii 2016kii fulinayay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Brian Castner.

Amnesty international waxaa ay sheegtay in Baareyaal Hey’adda ka tirsan ay Soomaaliya yimaadeen islamarkaana ay wareesteen 150 qof oo ay ka midyihiin Goobjoogeyaal, Qaraabo, Dad ka baro kacay Duqaymaha Mareeykanka iyo Qubaro.

 

Sidoo kale waxaa la sameeyay baaritaan dheecaanadda ah oo lagu ogaaday khasaaraha rayidka gaaray.

Warbixintu waxa ay shaaca ka qaaday in wax yeeladda shacabku ay korartay kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu amray in duqaymaha la kordhiyo islamarkaana uu hoos u dhigay heerka badbaadada ee duqaymaha.

 

Sagaalkii bilood ee u dambeeysay sanadkii 2017kii in ka badan 34 weerar ayuu Mareeykanku ka geeystay Soomaaliya taasi ka badan wadarta duqaymihii uu geeystay intii u dhexeeysay 2012-2016. 2018-kii waxaa Mareeykanku Soomaaliya ka geeystay 47 duqaymood halka sanadkaan oo bishiisii Sedexaad aan ku jirno uu ka geeystay 24 duqaymood.

 

Heey’addu waxaa ay tusaale u soo qaadatay duqayn uu mareeykanku ka geeeystay Deegaan Magaciisa la yiraahdo Faarax Wacays oo Africom uu sheegay in duqayntaas Dad ku dhaawacmay ay Al-shabaab ka tirsanaayeen balse baaritaan ay sameeysay Amnesty international ay ku ogaatay in Dadka dhaawacmay ay ahaayeen Labo rag ah iyo Shan dumar iyo caruur isugu jira oo dhamaantooba ah Shacab, Al-shabaabna uu khasaare kasoo gaaray.

 

Sidoo kale Bishii November ee sanadkii 2017kii Duqayn uu Mareeykanku ka geeystay Daarusalaam waxaa ku dhintay Sadax qof oo beeraleey ah.

6dii December ee isla 2017kii Shan qof oo shacab oo Labo caruur ah ay ku jiraan ayaa ku dhintay kadib markii gaari ay Al-shabaab qarax ku soo rareen uu ku qarxay deegaanka illimeey islamarkaana ay ku burbureen 10 guri.

 

AFRICOM waa uu beeniyay in weerarka Illimey ay ku lug lahaayeen diyaradahooda dagaalku ahase ahaatee Amnesty ayaa sheegtay in heshay cadeeymo muujinaya in in duqayn lala beegsay Gaariga qarxay ee Al-shabaab.

 

Dadka ay duqaymaha Mareeykanku ay saameeyeen fursad uma helaan cadaalad.

“Dowladda Soomaaliya iyo Mareeykanka waxaa looga baahanyahay in ay dhameeyaan hufnaan la’aanta waana in ay u ogolaadaan bulshooyinka dhibku gaaray in ay dhibkooda wariyaan, Cadaaladda in la helo waa ay adagtahay” ayey tiri Amnesty.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker