Wadahadaladdu Waa Somaliland Iyo Soomaaliya, Puntland Xisaabta Kuma Jirto

Sida la filayo, waxaa dhawaan, (haddii ayna mar kale ka bixin maamulka federaalka ee Muqdisho lagu ilaaliyo), ka bilaabmaya magaaladda Accra, ee dalka Ghana, gogoldhigii wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya. 
 
 
Wadahadalkaa oo haddii la qabto, quseeya xidhiidhka mustaqbalka labadda dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, kuma jiraan maamul goboleedka ka tirsan federaalka Soomaaliya.
 
 
Wadahadalkani wuxuu dhexmarayaa labadii dal ee 1960kii isku biiray, Somaliland iyo Soomaaliya, wakhtigaa Puntland may jirin, xisaabtana maanta kuma jirto.
 
 
Waxkasta oo ku qoran dastuurka aan loo coddeyn ee maamulka federaalka ee Muqdisho sameysatay, Somaliland ma quseeyo. 
 
 
Somaliland kama mid aha federaalka Soomaaliya, waa dal madaxbanaan, oo ku xisaabtamaya xuduudkeedii 26 June, 1960.
 
 
Markaa, haddii ay Puntland doonaso in ay Somaliland wadahadal la gasho, ha ka baxdo federaalka Soomaaliya, ha ku dhawaaqdo gooni isu taag, xuduud ha la jeexato Soomaaliya inteeda kale, markaa kadibna miiska ha is keento.
 
 
Haddii kale sow ma aha, ha aqbasho waxay kula heshiisay maamulka federaalka ee Muqdisho.
 
 
Waa Bilaahi Towfiiq.
 
Axmed Kheyre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker