Xisbi Siyaasadeed CAHDI Oo Dalka Morocco Kaga Qayb Galay Shir Caalamiya

RABAT, (OWN)- Xisbi siyaasadeedka CAHDI oo ka mid xisbi-siyaasadeedyadda ka jira dalka Soomaaliya ayaa dalka Maroco   ka qayb galay  shir caalamiya oo  ay isugu yimaadeen in ka badan 50 xisbi siyaasadeed oo ka mida kuwa ka jira wadamadda Carabta iyo Afrika.

Shirkaasi ayaana ka qabsoomay  magaaladda Mureshas ee  dalka Morocco, ayaa lagu falan qeeyay arrimo la xidhiidha sidii ay xisbiyadda siyaasadda ee wadamadda Afrika iyo Carabta xidhiidho iyo iskaashi u yeelan lahaayeen.

Cabdalle Axmed Ibraahim (Af-waranle), oo ka mida xisbi-siyaasadeedka CAHDI oo shirkaas ka qayb galay ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii shirkaas lagaga hadlay.

Waxaanu sheegay in uu kulamo la yeeshay wufuudii kala duwanaa ee shirkaas ka soo qayb galay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker