Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Gobolka Sanaag Una Dhexeeya Somaliland iyo Puntland

Wararka ka imanaya bariga gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay xiisad dagaal ka taagan tahay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag taas oo u dhaxeysa Somaliland iyo kuwa Puntland.

 

Xiisadaas ayaa ka dhalatay kadib markii Somaliland ay ciidamo farabadan geysay deegaanka Yubbe ee Bariga Gobolla Sanaag, iyadoo ay arintaas ka cadhoodeen Madaxda Puntland.

 

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Puntland dhankeeda ay iyana Ciidamo geysay,sidoo kalena ay mas’uuliyiin tageen deegaanada Dhahar, Xiingalool iyo Badhan ee Gobolka Sanaag.

 

Dad ku sugan deegaanada Bari ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay dareemayaan cabsi ballaadhan oo ku aadan in ay halkaasi ku wada dagaalamaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

 

 

Madaxda Somaliland iyo kuwa Puntland qaarkood ayaa hawada isku mariyey hadalo xiisada sii huriyey, waxaana Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni uu Somaliland ku eedeeyey inay wado daandaansi,isla markaana ay iska difaaci doonaan.

 

 

Oodweynenews Sanaag Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker