“Hadaad Muuse Wax Ka Sheegto Sacad Muuse Oo Dhan Baa Qaylinaya, Miyaad Aragteen Sh Aadan Siiro Oo Ka Hadlaya Maayarka Hargeysa ….. “Faysal Cali Waraabe

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dhibaatada dhinaca qabyaalada ee ka jirta somaliland iyo sida ay u saamaysay hay’addaha dawlada.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey munaasibad loo qabtay dhalinyaro loo tababarayey hogaaminta fiican ayaa si adag u dhaliilay goleyaasha wakiilada iyo guurtida oo uu ku tilmaamay qaar fadhiid ah, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Baarlamaankan ina dul fadhiya yaa u kordhiyey, bal guurtidan isku sharaxaysa yaa u kordhiyey sidee ayeynu wax ku noqonaynaa hadaynaan sharciga eegayn markaa been ayeynu ku noolnahay waana in xaqiiqadi loo yimaadaa oo maaha in umada been loo sheego sidana ku socon mayno, in shanta sanadoodba aynu iska laalaadno, doorashadu marbay dhacdaa waana lala xisaabtama marka ololuhu yimaadoo inagu markaba waynu isku bilaabaynaa waayo isla xisaabtankii ayaa lumay oo baarlamaankii ayaan shaqaynayn.”

Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Haddii baarlamaanka Ucid shaqaynayo oo uu siyaasadii xisbiga ku shaqaynayo anagu mabaanaan hadalneen ee iyaga ayaa noo hadli lahaa, haddii maayarka aan soo doortay aniga iga amar qaadanayo oo siyaasadayda ku soconayo aniga ayaa ilaalin lahaa, madaxtooyada ayuu iska xaadirinayaa oo waxa uu doono ayuu qabanayaa, haduu halkaas galana waa baytu abu sufiyaan”

Sidoo kale gudoomiye Faysal ayaa ka hadlay dhibaatada ay qabyaaladu leedahay waxaanu yidhi “Somaliland hadaanay qabyaalada iska dayn oo aanay tuugada iska dayn oo qof walibana meesha uu joogo wuu xadayaa,bal waa kuwane maayarka iyo maayar ku xigeenku waxay noo hayaan xil oo shaqadoodii ayey ka soo bixi waayeen qabiil ayaa lagu difaacayaa, sheekh aadan siiro oo wali ka hadlaya maayarka Hargeysa miyaad maqasheen, waa qabiil oo qabyaalad ayaa ina baabiisay.”

Gudoomiye Faysal oo ka sii hadlaya dhibaatada qabyaalada ayaa waxa uu intaas raaciyey “Hadaanu hadalno oo Muuse wax ka sheegno anigu ma galee waxa la yidhi Facebook ayey sacad muuse oo dhami ka qaylinayaan, wuxu waa madaxweyne waana gudoomiye, aniga waa lay caayaa oo tolkay ma hadlo waayo bahasha ayaan iska tuuray, qofka xil noo haya waan la xisaabtamaynaa haddii aad doonaysaan inaan la caayin caaqil ka dhigta oo maqaaxiyaha ha fadhiisto laakiin xil ayuu noo hayaa khaladkiisa ayaanu sheegaynaa.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker