Oodweyne News - Latest Somali News Update

Xulka Maansada iyo Xuska Abwaanka Abwaan Cabdilaahi Qarshe (IHUN) Wada-hadalada Soomaaliland iyo Soomaaliya

Abwaan Cabdilaahi Qarshe (IHUN)
Wada-hadalada Soomaaliland iyo Soomaaliya
Ma runtii baynu qarxinaa ma beentaynu isku qooshnaa Ma qoorkaynu ka idlaynaa ma qolof baynu sii saarnaa
Riyahaa qaawan baa idahaa ku qoslee
Ma waxbaynu qalanaa mindiyahaa qarsanaa Ma qaran baynu ahaanaa oo qabiilaynu huwanaa Ma qayrkeen baynu hiigsanaa oo talaabaynu dib u qaadnaa Waa xabaalaha ma qodnaa qudhunkii ma faqnaa Ma runtii baynu qarxinaa ma beentaynu isku qooshnaa Ma qoorkaynu ka idlaynaa ma qolof baynu sii saarnaa
Riyahaa qaawan baa idahaa ku qoslee Ma waxbaynu qalanaa mindiyahaa qarsanaa Ma qudhii baynu jarnaa oo magtii baynu qaybsanaa Ma xeerkii baynu qubnaa oo qarankaynu bixinaa Waa xabaalaha ma qodnaa oo qudhunkii ma faqnaa
Abwaan Cabdilaahi Qarshe (IHUN)
Warfidiyayaasha hawada ka sii libdhaya tayo ahaan waxaa ka mid ah codbaahiyaha Beenta iyo Baafinta Colaada (BBC),haddaan dibu-habeyn lagu sameyn hab dhaqankiisa iyo tayada shaqaalaha ka shaqeeyaba.Markay idaacadaasi soo gasho eed dib u jaleecdo xusuusta waayo waayo, ayaa waxaad dareemaysaa in muunad ahaan ay u sii jirto idaacadaasi.Hase yeeshee waxaa mar kaliya ku soo jiidanaya oo dareen xusuus leh kugu beeraya markaad maqasho muusiga ay ku soo gasho idaacadaasi.
Bishii Julaay 18dii, 1957kii ayaa albaabada loo furay.Markaa waxay idaacadaasi laheyd laba barnaamij oo Afka Soomaaliga ku baxa oo midba 15 daqiiqo ah oo todobaadle ah. Horaantii September 1958kii ayeyse idaacadu isku badashey maalinle,waqtigiina loo badaley 30 daqiiqo.

Barnaamijyo tayo leh iyo shaqaale aqoon u leh xirfadooda warfaafineed waa waxa laga tabayaa rugaha tiro belay ee warfaafineed.Qalinka aan hakiyo oon u holado,muusigaa ay ku soo gasho Idaacada BBC ayaa lagu magacaabaa socodkii Araweelo.Erayo ahaan hees u jirtay ayey aheyd,hase yeeshee markii la furayey idaacadaa BBC-da laga codsadey Cabdilaahi Qarshe(IHUN) dhawaaq muusigeed oo lagu furo idaacadaa. Abwaan Cabdilaahi Qarshe(IHUN) ayaa erayadii maansadaa aan u gudbin ee uu muusikadaa(codka muusikada) oo kaliya u gudbiyey, ujeedo fog darteed.
Cabdilaahi Qarshe laguma yaqaan sameynta erayada oo qudha ee wuxuu ku xeel dheeraa laxan sameynta, garaacista kamanka ,iwm. Dadka qaar ayaa si geesinimo ku dheehan tahay ugu dhawaaqa inuu ahaa qofkii ugu horeeyey tumista Kabankana uguna wanqalay maansooyinkiisa iyo kuwo kaleba.
Cabdilaahi Qarshe waxay wada sameyn jireen laxanada Abwaankii Maxamed Xuseen”Gu roon Jire”- Illaahay ha u naxariisto labadoodaba-.Waxaa runtii labadooda ka dhexeyn jiray tartan caafimaad qaba oo ku salaysan is-maamuusid iyo is-kaalmeysi.
Hase yeeshee mar la waydiiyey Cabdilaahi Qarshe qofka ugu wanaagsan laxan sameynta ee uu yaqaanay ayuu si kalsooni ku jirto oo deeqsinmo leh u yidhi: “ Qofku Soomaalida ugu laxan sameynta wanaagsanaa waa Maxamed Siciid “gu’ roon jire”,isku mar baanu bilawnay sameynta laxanada.Wuxuuse sameyn jiray laxan wanaagsan uuna si la yaab leh ugu tumi jiray Cuudka”. Tani waxay muujinaysaa tartanka wanaagaa ay ku jireen iyo toosnaanta Cabdilaahi Qarshe.

“Markii BBC-da la sameynayey waxaan ka shaqeynayey idaacadii Hargeysa.Markaasaa la igu yidhi cod ay ku furaan u soo samee.Kolay shucuur wadaninimana way igu jirtay ,markaa heestaas oo midho laheyd ayaan u geeyey codkii.Hadaan heesta midhaheeda sheegi lahaa may qaateen. Sidaa daraadeed ayaan magacii u badaley magaca ah Socodka Araweelana” sidaa ayuu yidhi Cabdilaahi Qarshe mar laga wareystay codkaa socodka Araweelo. Midhihii ama erayadii ku ladhnaa muusikadaa ayaa ahaa sidan:

Dadkan dhaqawaaqayaa dhulkooga doonayaa
Haddey ku dhiidhiyeen Allahayoow u dhiib
Waxaan la dhuubnahay jidhkayga dhaawacaan
Idiin dhamaynayaa dhagaha ma lihidiin
Mise dad dhoohanoo dhagaysan waanadoo
Warkaygu dhaafayoo dhufaanan baad tihin
Dhurwaaga meerayaa kadinka uu u dhaco
Dhacaa ma jiidhayo dharag ayuu fishaa
Dhurdaha duulayaa dhirtuu dalooshadaa
Malabka uu dhurtuu jilaalka dheer cunaa

Dalka Jamhuuriyada Soomaliland ayaa maanta dawlad kasta oo qabsataa ku dadaaleysaa inay aduunyada la garnaqsato oo ay hesho hankeeda ay xaqa u leedahay.Cabdilaahi Qarshe wuxuu ka mid ahaa dadkii u hawlgalay in xornimadii lixdankii la helo. Markii la helay xoriyadaa bishii Juun 26, ayey haddana mar kale dhacantey ee loo boqno gooyey raadinta mideynta shanta qoomiyadood ee Soomaaliyeed. Mar kale ayuu haddana Cabdilaahi Qarshe ka mid noqdey dadkii u hawlgalay sidii dib loo hanan lahaa ee Soomaaliland u noqon laheyd wadan taagan oo jira.
Waxaa ayaan daro weyn ah meel ka dhacna ah in qof aan halganadaa ka warqabin ku dhiirado o ka dhex yidhaahdo shirarka loo qabanyo dawlada federaalka ee Soomaaliya (Italian Somalia) “In Shirka ay (Somaliland) ka soo  qeybgalaan annagu raalli baannu ka nahay. Waxa laga hadlayaa  waa dan Soomaaliyeed, Soomaali weeye  iyaguna sida Puntland uga soo  qeybgalayso, Gal- mudug, Ahlusuna u  imaneyso sidaas ayaan iyana jecelnahay in  ay iyaguna u yimaadaan oo miiska  wadatashiga iyo wadahadalka ka soo  qeybgalaan”.
Cabdilaahi Qarshe oo ka murugoonayo sidii dhayalka aheyd ee maandeeq ay gacan aan u rooneyn gacanta ugu galinay Lixdankii ayuu tiriyey maansadii “Lixdankaan Haybin jiray”.Waxaanu abwaanku yidhi:
Hashaan toban sanno u heesaayey
hashaan toban sanno u heesaayey
hogaankiyo heeryadiiba cuntee
lixdankaan haybin jiray maxaa helayee????
hamuun korodhsadayee halaagna mutee
hawadaan qabayee hungaad noqotaan
lixdankaan haybin jiray maxaa helayee????
horseednimadii bagay i hoddee
hawshii rag lahaa waa kuwaa hurdoo
lixdankaan haybin jiray maxaa helayee????
halkii dadkaba qaar haayirayee
nin hoos ku jiray iyo kuwaa ku hadhayoo
lixdankaan haybin jiray maxaa helayee?????

Cabdilaahi Qarshe wuxuu ka mid ahaa kooxdii ku caano maashey magaca Walaalaha Hargeysa.Waxaa lagu mileeyaa inay kooxdaasi jirtay 1945kii ilaa 1960kii.Waxaa kaloo kooxdaas ka mid ahaa Ina Axmad Guuleed, Ina Nuur Qabaas oo ahaa ninka “Raaxeeye” alifay, Xuseen Aw Faarax, Maxamad Yusuf, Cali Sugule, Ismaaciil Axmad [Cagaf], Tayuub Caamir, Barkhad Cas, Maxamad Axmad, Baaniyaal,Gidhin, Xasan Samatar, Maxamad Saciid, Cunaaye, Xasan Nahaari, Cumar Dhuule, Guroon_Jire iyo qaar kaloo badan(Ilaahay dhamaantood ah u naxariisto intooda dhimatey).

Cabdilaahi Qarshe isagoo jooga Cadan ayaa wuxuu aad u dhageysan jiray heesaha Hindiga iyo Carabiga oo ka socon jiray idaacadii Cadan.Sidoo kale waxaa isla Idaacadaasi soo dayn jirtay 30 daqiiqo oo Af Soomaali ah una badan gabayo iyo warka oo uu akhriyi jiray Mahdi Ileeye (IHUN). Waxaa in badan saaxiibadiisii Hindida iyo Carabta ahaa ay waydiin jireen Soomaalida waxa maansadii Soomaaliyeed u diiday muusig (Danan). Warcelinta waydiintaa ayaa aad ugu mudnaatey.Si uu uga warceliyana Cabdilaahi Qarshe wuxuu u hawlgalay sameynta laxan ku sargo’an maansooyinkii Soomaaliyeed iyo garaacista qalabkii waqtigaa jiray. “ Bilawgii danan Soomaaliyeed hormoodkeedu wuxuu ahaa Cabdilaahi Qarshe” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Xudaydi oo ka waramaya taariikhdii dananka Soomaaliyeed.

Cabdilaahi Qarshe waxaa runtii aad u dhibay Carabtii iyo Hindidii uu la koray oon u heelanayn inay wax baraan, iyo sida aanay marna ugu fidin gacan qabasho.Hase yeeshee Cabdilaahi Qarshe wuxuu aad u soo dhaweyn jiray,gacan qabasho hagar la’aaneedna u fidiyey dad fara badan oo maanta ku caan ah madasha fanka. “Waxaan fanka soo galay kuna soo biiray aniga oo da’yar gu’gii 1954.Waxaanan gacan ka helay fanaaniintii aniga horeeyay oo ay ka mid ahaayeen Cabdilaahi Qarshe iyo abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad” ayuu yidhi Fanaanka Maxamed Kuluc oo ka hadlaya taariikh faneedkisii.
Cabdilaahi Qarshe wuxuu ahaa wadani ay aad ugu dheer tahay u hiilinta wadankiisa iyo hanka qaranimo.Cabdilaahi Qarshe maansooyinkiisa uu laxankana saaarey codkiisa toolmoona inagu soo gaadhsiiyey waxaa ka mid maansada “Dhalintii Wadanka”.Waxaa maansadaa midhaha sameeyey abwaan Maxamed Xaaji Ismaciil Barkhad cas (IHUN)..

Dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo
labbood iyo dhadig wax meel dhiganoo
dhibtiyo xumihii dhammaan aragnoo
inaanu dhalaniiyo inaanu dhimanoo
maantaan waxba nooga dhaxaynayn

Dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo
ninkaan dhididini xornimo ma dhaxlee
haddaanu dhirta korin daayeer ma dhergee
inaanu dhalaniiyo inaanu dhimano
maantaan waxba nooga dhaxaynayn

Dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo
afartaa dhiigayaga gorfaha ku dhamma
markay ka dhergaanna na dhabaqsada
inaanu dhoofniyo inaanu dhimano
maantaan waxba nooga dhaxaynayn

Dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo
calankaad dhumisen inaanu dhisnoo
dharaar ka cadayno dhay geeloo
inaanu dhidibniyo inaanu dhimano
maantaan waxba noogaa dhaxaynayn
Maansooyin badan iyo laxano faro badan ayuu curiyey Cabdilaahi Qarshe,Hase yeeshe xulka maansooyinkiisii iyo xusuusinta wadaninimadii abwaanka ayaa bahda mareegaha Farshaxan ay bulshada la wadaageysaa.Wuxuu kulansadey Cabdilaahi Qarshe inuu buuxiyo afarta kaalmood ee fanku u baahan yahay in la soo bandhigi karo.Erayada intuu sameeyo ayuu laxankiina saaraa,ka dibna dananka tumistiisa u hawlgalaa kuna dhameystiraa inuu ku luuqeeyo.Waa hawl u baahan karti laheyd afar qof oo kala duwani sida caadiga ahi inay kaalmahaa kala buuxiyaana ay tahay.
Cabdilaahi Maxamed Maxamuud “Cabdilaahi Qarshe” wuxuu ku dhashay magaalada Moshe ee wadanka Tansaaniya gu’gii 1924kii.Wuxuu la dhashay afar wiil iyo gabadh. Cabdilaahi Qarshe aabihii Maxamuud iyo reerkoodu waxay deganaan jireen gobolada Sanaag ee Jamhuuriyada Somaliland.
Beryahaa waxaa aad u caan ahaa tacabirka oo iminka looba yaqaan tahriib.Koox lug iyo gawaadhiba isticmaashey oo Tansaaniya ku socday ayuu Maxamuud ka mid noqday,aad baanu u nasiib badnaa inuu ka mid noqdo tiro yar oo ka badbaadey dhimasho iyo dhaawacba.Maxamuud oo nabad qaba ayaa gaadhey magaalada Moshe ee wadankaa tansaaniya.Dadku waxay u tacabiri jireen si nolosha lagu noolaa mid ka roon loo raadsado.
“Qoyska uu Cabdilaahi Qarshe ka soo jeedo waxay ahaayeen muriidyadii Sheekh Isaxaaq. waan fahmayaa hawsha muriidka oo aniguba waxaan ka soo jeedaa reer hawshaa muriidnimada hayn jiray” ayuu yidhi Dr.Maxamed Rashiid Sh.Xasan(IHUN)oo wareysi dheer la yeeshay Cabdilaahi Qarshe.
Xilli ku beegnayd 1931kii ayuu Maxamed Maxamuud oo Cabdilaahi Qarshe aabihii ahaa dhintay .Hooyadii Dahabo Xirsi ayaa hantidii reerka dhamaan wada iibisay waxaanay u guureen magaalada Cadan ee wadanka Yemen.Hase yeeshee muddo ka dib ayey yimaadeen wadanka Soomaaliland kuna soo degeen magaalada Maydh oo ay u sii dhaafeen magaalada Ceerigaabo. Laba sanaadood ka dib ayey dhamaan reerku dib ugu laabteen Cadan.
Magalaadaa Cadan ayuu Cabdilaahi barashada diinta (Quraanka, xadiisyada, Fiqiga ,Naxwaha carabiga,iwm) iyo waxbarashadii madaniga aheydba ku qaatey.Muddo ka dib wuxuu u soo wareegay dalka Soomaaliland kana qayb qaatey halgankii ummada ee gobanimodoonka iyo dib u soo celinta xornimadii reer Soomaaliland markii deeqda u bixiyeen.“Ilaahay ha u naxariistee 28-kii October 1997-kii, ayuu ku geeriyooday magaalada London, 3-dii November 1997 maalin Isniin ah, ayaa lagu aasay magaalada Hargeysa,” ayuu yidhi Boobe
Dabayaaqadii bishii Oogosto ,2010 ayaa munaasibad uu soo qaban-qaabiyeen Ururka Fanka iyo Dhaqanka Soomaalida SAAC loogu daah-furay Xarunta Fanka iyo Farshaxanka ee Cabdilaahi Qarshe (Qarshe Arts Center.Waxaana xafladaa lagu lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Maansooyinka uu curiyey Cabdilaahi Qarshe waxaakaloo ka mid ah maansada Dunni Gabowdey:
Dadkaan ogaynee Dunidaan la yaabee Dib u fiirsigeeda Lagu diirsan maayee Waa mid ay la duushiiyo Dayaxa u dhaweysiiyo Mid kalooy ka durugtooy Dibadaha ku duugtee
Waa duni gabowdoo Ilayn waa dumaalee Mid malab darsanayaa Midna dacar ka leefaa
Dabar iyo hogaan iyo dani seeto weeyaan
waxay damacdo mooyiyee qofna diidi maayee
waa mid ay dibirisooy Baryo daadaheysoo
Mid kalooy dulaysooy Darxumo u dhamysoo

Waa duni gabowdoo Ilayn waa dumaalee Mid malab darsanayaa Midna dacar ka leefaa

Kay dooraneysoow Ha ka moodin daacadee
Waxay kugu dilaysay Horta kugu dayeysaa
Kay dahab u diidoow Way kaa dabooliyee
Kay dooni siisoow Way kaa daloolinee
Kay waayo daysoow Iyadaa ku dooxiyee
Waa duni gabowdoo Ilayn waa dumaalee Mid malab darsanayaa Midna dacar ka leefaa
Daadkay ku raacinee kay diric u galisoow
Way kaa dilaacinee Kay meel dagsoosoow

Ilaahay ha u naxariisto Cabdilaahi Qarshe,Ummada reer Soomaaliland-na way ogtahay kaalintii uu kaga jiray halgankii gobanimodoonka ee Maandeeq.

Laga soo bilaabo 2012kii ilaa 2015kii waxaa shirar wada galay dalalka Jamhuuriyada Soomaaliland iyo Dawlada Federaalka ee Soomaaliya. Dhamaan shirarkaasi waxa ahaayeen madhaleys iyo marin habaabin. Dooda ayaa laga bilaabey meel jaban, mudnaanteedana lama siin inay ahaayeen laba dal oo iskugu yimid, ujeedaduna aheyd inay la mideeyo shanta qoomiyadood ee Soomaalida.
Waxaa mudnaanta leh in la siiyo oo doodu ku saleysnaato inay ahaayeen laba dal oo kala madax banaanaa, xoriyadoodana sida dalalkii Afrikada kale oo kale xilliyo kala duwan kala qaatey. Sidoo kale ayaa waxaa meesha taala kooxda ugu qayb galeysa Jamhuuriyada Soomaaliland in lagu xulo aqoonta taariikheed,siyaasadeed iyo aftahanimo ay ku hagi karaan kuna soo bandhigayaan doodooda,iwm. Waxaa inta badan dhacda dad raaxada diyaaradaha la raacayo iyo hudheelada laga cuntaynayaa ay la weyn tahay in la soo xulo.Halka sidoo kale ay dhacdo dad aan aqoon siyaasadeed iyo mid taariikheed alheyn inay iyaguna goobta shirk aka soo qayb galaan iyadoo loo eegayo madaxweynahaa ku kalsoon iyo way is-xigaan.

N.B: Barnaamijkeena Xulka maansooyinka iyo Xuska abwaanka wuxuu noqon doonaa Insha Allah joogto.Taladiina,tusaaleyntiina, tilmaantiina iyo ka qayb qaadashadiinaba waa la soo dhaweynayaa…
Tixraac:
-Taariikhdii Saxardiid Maxamed
Qolka Kaydka Mareegta Farshaxan
-Maansooyinka Cabdilaahi Qarshe
Qolka Kaydka Mareegta Farshaxan
– Xuska 10 Guurada Cabdilaahi Qarshe
Qalinkii : Boobe Yuusuf Ducaale
– Interview with the late Abdullahi Qarshe
Wareysi Qaade: Dr.Maxamed-Rashiid Sh.Xasan
-Mareegaha Farshaxan,Hadhwanaagnews,OOdweynenews,Gabileynews,Heesta,Askarkotor

Diyaarintii iyo Tifatirkii
Fu’aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan