Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknaloojiyadda JSL oo Heshiis la Saxeexday Wasiirka Warfaafinta, Boosta iyo Isgaadhsiinta ee Djibouti

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. CabdiWali Sh. Cabdilaahi Suufi Jibriil iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ka koobnaa Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta Eng. Maxamed Cumar iyo Agaasimaha Waaxda Boosaha Maxamed Cabdikariim ayaa safar saddex cisho ahaa oo ay ku joogeen dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Djibouti ka soo guryo noqday safarkaa oo ay ku tageen casuumad ay ka heleen Wasiirka Warfaafinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Djibouti Mudane Cabdi Yuusuf Suge.

 

Waxa booqashada waftiga ku wehelinaayey Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti, Mudane CabdiFataax Siciid iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland Mudane Xuseen Cumar, halkaas oo ay wasiirka iyo wafdiga ay hogaaminayaan la kulmeen soo dhawayn balaadhan.

 

Wasiirka iyo wafdigiisu waxa ay shirar la galeen mas’uuliyiinta dhigooda ah iyaga oo ka wada hadlay dhinacyada Isgaadhsiinta, Boosaha iyo Tiknoolajiyadda sidoo kale waxa ay soo booqdeen goobo kala duwan oo xidhiidh la leh shaqada wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknaloojiyadda sida xarumaha boosaha Djibouti iyo xarumaha isgaadhsiinta.
Ugu dambayntii waxa ay labada dhinac kala saxeexdeen heshiis wada shaqayneed oo nuxurkiisu yahay in labada dawladood iska kaashadaan adeegyada boosaha, isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda, kuwaas oo horumar u ah bulshawaynta Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker