Shaqadii Dekedda Berbera Oo Maanta Istaagtay Kadib Markii Ay Maamulka Dp World isbedel Ay ku Samaysay Qiimaha Sarrifka

Wararka maanta kasoo baxaya dekedda Berbera ay maamushuso shirkadda DP World ayaa sheegaya in guud ahaanba haw maalmeedka dekeda Berbera ay maanta qasnayd ,waxaana isa soo taraya warar dheeraad ah oo ku saabsan ismarin la’aan ka dhex aloosan ganacsatada kala duwan ee reer Somaliland ee alaabada ka soo dega dekeda berbera iyo maamulka shirkadda DP World ee dekedda berbera.

 

Shirkadda DP world ee gacanta ku haysa maamulka dekedda Berbera ayaa ku dhawaaqday inay 12 March hirgelin doonto isbedel ay ku samaysay qiimaha sarrifka ee ay wakhtigan shirkadu isticmaalaysay , waxaana maanta ku dhawaaqeen n in sarifka uu noqon doono 1USD = 9,500 SLSH lana socon doono marba sarifka baanka somaliland halkuu marayo, arintaas oo ganacsatadii ay ku gacan saydheen islamarkaasna sababtay buuq iyo jahwareer ka dhex qarxay ganacsatada iyo maamulka dekedda.

 

Waxaana maamulka shirkadda Dp world si kalsooni ka muuqato u sheegeen ganacsatadaas in ay arintan la sugayaan marka uu madaxweyne Muuse Biixi dalka kusoo laabto .

 

Hadii ay u suurto gasho in Dp World barnaamijka sarifka lacagta siday doonto ka yeesho waxay taasina kalifaysaa in ganacsatada iyaguna shacabka Reer somaliland kusii kordhiyaan maceeshada arintaas oo aanay dawladda wax ka qaban karin, taasna ay kalifi doonto in lacagta somaliland-tu ay sii qiimo beesho .

 

Dhinaca kale Muddo laga joogo sanad ayuu madaxweyne Muuse biixi uu ka kordhiyey sarifka lacagta canshuuraha Dekedda isagoo uga dhigay 1USD = 8000 SLSH, halkay weligeed ahayd 1USD = 5000 SLSH, .

 

Hadaba waxaa la sugaaba waa halkuu madaxweyne Muuse Biixi iska taagi doono khliaafkan ?

 

Oodweynenews Berbera Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker