Qarax Maanta Ka Dhacay Agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho

Qarax gaadhi  ayaa maanta  ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska gaadhigiisa Qaraxa loogu xidhay.

 

Sarkaalka Gaarigiisa qaraxa loogu xidhay ayaa wuxuu ka tirsan yahay qaybta dambi baadhista Ciidamada Booliska Soomaaliya.

 

Gaariga uu watay sarkaalkaan ayaa wuxuu yaalay agagaarka Hotelka Mubaarak & Daarta Banaadir Plaza ee ku dhaw Isgoyska Shaqaalaha.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka ayaa sheegay qaraxaasi inuunuu  wax khasaare ah gaysan, kadib markii shaqsiga gaadhiga loogu xidhay uu arkay Qaraxa.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, ayaa halkaasi waxa ay ka sameeyeen baaritaano ku saabsan dhanka ammaanka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker