Laba Nin Oo Hubaysan Oo Ku Dilay Sideed Qof iskuul Ku Yaala Dalka Brazil

Labo qof oo hubaysan oo rasaas ku furay iskuul ku yaalla koonfurta bari ee dalka Brazil ayaa dilay ugu yaraan sideed dhallin yaro ah, masuuliyiintuna waxay sheegeen in ragga hubaysan ay horay arday uga soo noqdeen iskuulka.

Toogashada ayaa dhacay 09:30 wakhtiga dalka Brazil markaas oo ardaydu ay ku jireen wakhtiga nasashada,
Iskuulkan oo dawladdu leedahay ayaa ku yaalla meel u dhaw São Paulo.

Labada qof ee weerarka gaystay ayaa la sheegay in ay kala jiraan 17 iyo 25 sano, iyaga ayaana gacantooda isku dilay markii ay weerarka qaadeen ka dib.

Booliiska ayaa sheegay in ay wiilasha ka heleen baskoolad, qaanso iyo leeb iyo waxyaabo u muuqda in qaraxyo loo adeegsan karo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker