Kornayl Caarre Oo Sheegay Inay Qabteen Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Kadibna Sii Daayeen

Hogaamiha jabhadda la’dagaallanka Somaliland Kor.Siciid Cawil Jaamac caarre oo sheegay in dhawaan uu gacanta ku dhigay wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Yuusuf Axmed kadib markii Caarre uu sheegay in wasiirka uu socdaal ku yimid gobolka Sanaag.

Sidoo Kale Waxa uu sheegay in siideynta wasiirka Gaashaandhiga ay ka dambeysay sida uu sheegay kadib markii uu tixgeliyay beesha wasiirka uu kasoo jeedo sidaas darteedna uu ku sii daayay.

Hadalkan ayuu Kornayl Caarre ka sheegay shir jiraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Qardho oo fadhiisin u ah jabhadda uu hogaamiyo Korneelka isagoona shirkiisa jiraa’id sidoo kalana iclaamiyay dagaal ka dhan ah Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker