Gabadh Soomaali Ah Oo Baarashuud Kaga soo boodda diyaarad

Meyran Cumar waa gabar Soomaaliyeed ee dagan Minneapolis Minnesota ayaa dhawaan baratay sida baarashuudka looga soo boodo horeyna waxay Meyran u baratay wadida diyaaradaha yaryar.

Marka ay ka hadlleysay waxyaabaha ku dhaliyay in ay barato sida diyaaradda loo kaxeeyo ayay tiri ”Waxaan u safray wadanka sucuudiga oo aan arkay sida loo cadadiyo dumarka looma ogola in ay gaari kaxeeyaan anigu waxaan haystay liisanka gaadhiga markii aan soo noqday Ayaan go’aansaday in aan gabdhaha muslimiinta tuso in aan wadi karo diyaarad.

Nooca diyaaradda ay baratay ayaa ah nooca loo yaqaanno hal-matoorleyda waxayna hadda ku hanweyn tahay in ay barato midda rakaabka.

Barashada baarashuudka

”Barashada baarashuudka waxaa igu dhaliyay habeen annigoo daawanaya barnaamij ayaa arkay nin isaga oo raba in uu badbaadiy rakaab la dhintay,niyada Ayaan iska tusay in ay fiican tahay in qof walba uu barto sida loogu duulo baarashuudka, markii u horeysay ee aan tago Meesha barashada baarashuudka waxaan la kulmay caqabado,inta aan booday barashada laba mar waa lagula boodayaa,mar sadexaad-na laba qof ayaa geesaha kaa qabaneysa oo arkeysa sida aad u soo deganeysid.

Mustaqbalka waxa ay rajeyneyso

”Waxaan doonayaa barashada diyaaradaha ganacsiga,waxaa iga hortaagan kharasha oo dhan 100 kun oo doolar aniguna ma awoodo,ninkan ayaa ahaa nin caqli madan laba arimood ayuu ii soo jeediyay ta koowaad in jaaliyadu hada soomaalidu ay ku kaalmeeyaan ama ay dawlada soomaliya soo codsato iskuulkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker