Dhawr Dal Oo Somaliland Ka Mid Tahay Oo La Filaayo In Saldhigga Ciidanka Badda Ee Itoobiya Noqdo

Dawladda Faransiiska iyo Itoobiya ayaa wada gaadhay heshiis dhanka Militariga ah gaar ahaana taageeridda ciidamada Badda ee Itoobiya samaysanayso kadib bookhasho laba maalmood ah oo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku joogay dalka Itoobiya.

 

Safarka Madaxweynaha Faransiisku ku galaa-bixiyay dalalka Bariga Afrika ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagu macneeyay mid uu ku xoojinayo kaalintiisa Bariga Afrika iyo xidhiidhkiisa dhaqaale, islamarkaana kaga qayb qaadanayo dadaallada reer Galbeedku iskaga caabiyayaan waddanka Shiinaha oo saamayn badan ku yeeshay Afrika. Madaxweyne Macron ayaa Jabuuti ka sheegay in aanay doonayn in bahwadaagtooda xorriyadda lagaga qaado maalgashi hadalkaas oo uu ku durayay Shiinaha.

 

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in uu si weyn u danaynayo Itoobiya tan iyo intii furfurnaanta siyaasadeed ka curatay waxaanu saxeexay heshiis uu Itoobiya kaga taageerayo abuurista ciidanka Badda oo ra’isal wasaare Abiy Axmed xoog saarayo sidii loo hirgelin lahaa.

 

Madaxweyne Macron ayaa heshiis muhiim ah ku tilmaamay iskaashiga Militari ee Addis Ababa iyo Paris “Heshiiskan iskaashiga Militari oo aan hore noociisa loo gaadhin wuxuu abuuraya qaab wada shaqayneed, gaar ahaana wuxuu albaabada u furaya habka Faransiisku u caawinayo aasaasidda ciidanka Badda ee Itoobiya,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Macron oo ay shir jaraa’id Addis Ababa ku wada qabteen Dr Abiy Axmed.

 

Sida ay ku warrantay warbaahinta VOA waxa kale oo heshiiska ka mid ah iskaashi dhanka ciidamada cirka ah, hawlgallo wada jir ah, fursado dhanka tababarka iyo ka iibinta saanadda ciidamada.

 

Idaacadda Dunida la hadasha ee Faransiiska(RFI) ayaa faallo ka qortay taageerada Faransiiska ee dhismaha ciidamada Itoobiya waxaanay sheegtay in ay Dr Abiy Axmed ka go’an tahay dhismaha ciidankan, islamarkaana guddi khubaro ah u saaray dhisamaha ciidanka Badda bishii January laakiin, ay lama huraan tahay in ciidankaasi ka hawlgalo dalalka deriska ah. Warbaahinta Faransiisku waxay sheegtay in dalka Ereteriya labada dekedood ee ay degi lahaayeen ciidanka Itoobiya ee Casab iyo Masawa mid tahay fadhiisinka ciidanka badda ee Ereteriya tan kalena ay tahay saldhigga Imaaraadku kala dagaallamo Xuutiyiinta Yemen.

 

Waxa ay intaasi raacisay in dalalka la filayo in Saldhigga Militari ee Itoobiya noqon doona yihiin Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya kuwaas oo hadal hayntooda ku aaddan ay Saldhig siiyaan Itoobiya xooggan tahay.

 

Dawladda Itoobiya ayaa ciidamadeeda Badda kala dirtay sanadkii 1996 kadib markii dawladda Ereteriya xorriyadda qaadatay 1991, islamarkaana Itoobiya noqotay bilaa bad.

Image result for Saldhigga Ciidanka Badda itoobiya

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker