Dawladda Maraykanka Oo Biiray Dalalka Joojiyay Duulimaadka Diyaaradaha Boeing 737 Max

Dalka Maraykanka ayaa ku biiray dalalka ku dhawaaqay inay dhulkooda ka  joojiyaan isticmaalka diyaarada nooceedu yahay Boeing 737 MAX.

 

Dalal badan oo caalamka ayaa hore ugu dhawaaqay talaabada lagu joojinayo diyaaradan kadib markii dhawaan ay mid kamid ah diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX ay ku burburtay dalka Ethiopia ayna ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa.

 

Wadamo ku yaal qaarada Yurub,dalka Shiinaha iyo dalal kale ayaa hore ugu dhowaaqay inay joojnayaan isticmaalka diyaarada Boeing 737 MAX.

 

Illaa iyo hadda ma jiro sabab dhab ah oo keentay burburka diyaaradan balse waxaa ka horeeyay diyaarad kale oo isla noocaas ah oo ku burburtay dalka Indonisia toddobo bil kahor waxaana ku dhintey 189 ruux,balse lama hayo wax cadeyn ah oo sheegaya in ay xiriir leeyihiin burburka labada diyaaradood.

 

Shirkada soo saarta diyaarada Boeing 737 MAX oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa amarka uu Madaxweynaha Maraykanka ku bixiyay in la joojiyo duulimaadyadeed waxaa soo dhaweeyay shaqaalaha iyo madaxda hay’ada duulimaadyada dalka Maraykanka.

 

Si kasta ha ahaatee shirkada Boeing ayaa ku dhawaaqday in ay dhulka dejineyso dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX oo gaadhaya 371 illaa amar dambe.

 

Sanduuqii Madoobaa ee laga ogaan ahaa sababta keentay burburka diyaaradii ku dhacday duleedka magaalada Addis Ababa ayay dowlada Ethiopia ka codsatay dalka Jarmalka inuu baaro macluumaadka ku jira.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker