Baaq nabadeed laba dulmane xadhigga adag Waxaanay kala ahaayeen Abwaan Baashe xasan maxamed iyo Cabdulqadir Nur macalin

Bismillaahi Arramanirraxeem.

Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan

baaq nabadeed laba dulmane xadhigga adag Waxaanay kala ahaayeen Abwaan Baashe xasan maxamed iyo Cabdulqadir Nur macalin ah qaata 100 dolar abwaanku mushar ma qaato waa danyar

Maxkamada Racfaanka gobalka Maroodi Jeex ayaa xukuntay adag oo 8 sanno oo xadhig ah iyo lacag gaadheysa 625 kun oo Dollar ku xukuntay

Waxaannu u aragna qaran dumis loo badheedhay iyo isku dhufasho muwaaddiniin

Walaalo ah dalna wada leh

yaan la illaawin cadawga ciilka qaba in aan laga farxin

Yaan la illaawin barakacii laga soo kabtay yaan la ilaawin dumistii hargaysa laga hayaamay yaan la illaawin caasimadda hargaysa ee dhisantay

Ha laga digtoondo hooyo dhibaato ku timaaddo

Yaan la illawin macagangag aan shacabkiisa ka naxayn

Yaan illaawin dabka hareeraha ka holcaaya

waxaa hore u dhacdy

maxkamadd kale markii ku wayde wax dambi ah xorriyaddoodii u soo celiysay ay labada dulmane ahaydna in ay kadinka maxkamadda ka baxaan nin xeer ilaaliye ku sheeg ahi ganacsade ka awood sarreeyo uu diiday in ay albaabka dhaafaan ka dib markii ay eheladoodii ay la xidhiidheen ninka diiday labada nin ee ay maxkamaddu sii daysay wuxuu ku andicooday in laga awood sarreeyo taasina uu ka baqday in uu shaqada dulimiga ugu adeegaayo uu ku waayo

Sababta xukunka loogu riday Abwaan Baashe ayaa garyaqankii u doodaayey uu ku sheegay kadib gabey uu xukuumada ku dhaliilay xiligii olalaha doorashada ee 2017

Xilligaas doorashada xusbiwaliba wuxuu u tafaxaydna sidii kursiga u hanan lahaa

Talo soo jeedin

In madaxwaynuhu cafis u fidiyo labada nin ee aanu fiyayno in aanu ka warhayn kana dhabeeyo dhaartii uu allah la galey aakhiradiisana la kulankanka ALLAH su,aasha u fufudeeyo malaa,igta saddexda su,aalood ee kala ah waa ayo alhaah? Nabigaanuna? diintaadu waa tuma?
In hay,dda garsoorku hubiso kiiskan dalka ku cusub ee lama filaanka ah
In laga digtoonaado burbur dalka ku yimaadda .
In laga dheeraado dhibaato dalka ku timaadda dhaxalkeedana ku suntanaato dawladda hadda hadda talada dalka lagu amminay.
In shacabka markiisii horeba dhaqaale burburka la daaladhacaay aan barakicin

Deeq Cabdi Digale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker